Caruurta Iskuullada Ingiriiska dhigata oo is caddeeya si aan midabkooda loogu caayin.

0
555

Caruurta Iskuullada Ingiriiska dhigata oo is caddeeya si aan midabkooda loogu caayin.

Sida ay sheegtay hay’adda samafalka Ingiriiska ee magaceeda loo soo gaabiyo NSPCC, caruurta dalkaas ayaa jidhkooda mariyaha kiriimyada la isku caddeeyo si aan markay Iskuulada joogaan loogu xoog-sheegan.

Daraasad ay samaysay ayaa sheegtay in takoorka midabka iyo u xoog-sheegashada carruurta dhexdodu shan miiloodoow meel korodhay sannadihii 2015-2016, waxana dhacay 10,500 fal dambi oo la xidhiidha midab tagoor laga galay caruuta dalka Ingiriiska oo dhan sannadihii 2027-208, taas oo ka dhigan in celcelis ahaan maalintii 29 fal dambi dhacayeen.

“Kulligood ba kufsada oo cashar u dhiga” : Fadeexad ka dhacday jaamacad Ingiriiska ku taal

Waa kuma Soomaaligii taariikhda cajiibka ah ka dhigay Ingiriiska?

Inan yar oo 10 jir ah ayaa NSPCC ku tidhi ” waxaan isku dayey inaan wejigayga caddeeyo” maadaamaoo ardayda kale igu sheegayeen in “midabkaygu wasakh yahay”.

Inantaa yar oo telefoonka kula xidhiidhay xarun talo bixineed oo caruurta loogu talo galay in talo nijada u dhista lagu siiyo oo ay isla hay’adaasi aasaastahay aya iyadoo anfariirsan waxay tidhi “Asxaabtaydu imika ima raacaan waayo dadkaa kolba ku yidhaamaxaad tan yaree jidhka uskaga ah le hula socotaan”

“Waxan ku dhashay Ingiriiska laakiin kuwa ii xoog-sheegtaa waxay igu yidhaahdaan dalkiinii ku noqo. Ma garan karo waxa aan muwaadinad Ingiriis ah u noqon la’ahay”

” Waxaan isku dayey inaan wejigayga caddeeyo si aan dadka ugu ekaado. Inaan iskuulkayga farxad ku dhigtaan doonayaa.

‘Way i naafaysay arintaasi’

Inan 11 jir ah oo isirkeedu yahay dadka Aasiya ayaa iyadna xaruntaa talefoon ugu sheegtay in ay isku dayday inay muuqeeda bedesho oo ay indho-kuul adeegsato.

“Iskuulka waa la iigu xoog-sheegtaa sababtuna waa inaan Shiine ahay. Caruurta kale waxay igu yidhaahdaan diirkaagu waa huruud, magacyo ayay igu dhejiyeen, runtiina arrintaasi way i naafaysay” ayay tidhi.

” Waxaan isku dayey inaan bedelo muuqayga waxaanay artaasi igu dirqiday inaan indho-kuul marsado si aan dadka ugu ekaado. Ma doonayo inaan waalidkay u sheego waayo arintu way niyad jabinaysaa.”

Image captionInan yar oo ooyeysa

Halka inan 16 jir ah oo Muslimad ahina tidhi “dadku waxay igu yidhaahdaan argagixisooy waxaanay igu celceliyaan hakaad ka timid ku noqo”

” Waxaan u malaynayaa dharka Muslinka een xidhaa inuu iga duway dadka.

“Had iyo goor waan is diidsiiyaa laakiin waxay haatan gaadhay meel aan is leeyahay armaa ba lagu wax yeelleeyaa.”

Daraasadda ay samaysay NSPCC waxay sheegtay in tirada falal dambiyeedka isir nacaybka ah ee booliska soo gaadha ee caruurta 18 jirka ka yari ay ku kacaan inay ka kordheen 8682 oo ay sannadkii 2015-2016-kii ahaayeen oo ay 2017-2018 gaadheen 10,571.

haya’addu waxay booliska UK oo dhan ka codsatay in iyadoo la raacayo xeerka xorriyadda xog helidda loo ogolaad in ay baadho [falal dambiyeedka ay ku kacaan] dadka da’doodu u dhaxayso 38-45 jir.

Hablahaa u badan caruurta la xidhiidha xaruntaa badankooduna waxaa da’da u dhaxaysa 12-15 jir, sida daraasadda lagu ogaaday.

Madaxaxa xarunta, John Cameron, ayaa yidhi “isku xoog-sheegadka caruurta ee noocan ahi waxay dhaawac maskaxeed oo daba dheeraada ku yeelan kartaa caruuta, waxaanay kala qaybin doontaa bulshadeena.”

“Hadii aynu aragno ilmo mid kale ugu xoog-sheeganayo midabkiisa waxa haboon in aynu wax ka qabano oo aynu ka gardarran ka dhaadhicinno in ay dabiici tahay [kala midab duwanaanta] dadku2

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan

  • Instagram biggest for child grooming online – NSPCC finds
    1 Maarso 2019
  • Quarter of bullied children ‘go on to bully other kids’
    10 Maajo 2016
  • Child bullying victims still suffering at 50 – study
    18 Abriil 2014
  • Is your child a cyberbully and if so, what should you do?
    6 Jannaayo 2017
  • Hate crime in London soars since Christchurch attacks
    1 Maajo 2019

Goobaha kale ee Internetka ee la xidhiidha qodobadan

  • NSPCC

BBC-du mas’uul kama aha sugnaansha macluumaadka ka yimaad website kale ee debadda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here