12 Ruux oo lagu dilay toogasho ka dhacday dalka Mareykanka

0
523

12 Ruux oo lagu dilay toogasho ka dhacday dalka Mareykanka

Ugu yaraan 12 qof ayaa lagu dilay toogasho ka dhacday dhisme dowladeed oo ku yaal gobolka Virginia ee dalka Mareykanka.

Booliska ayaa sheegay in la tuhmaha mudo dheer uu ka shaqeynayay magaalada xeebta ah, si aan kala sooc laheyn na u toogtay dadka.

Ninkaan oo u geeriyooday rasaas ay booliska is weydaarsadeen ayaa ilaa hada aan la xaqiijin magaciisa.

Weerarkaan ayaa waxaa dhanka kale uu dhaawac ka soo gaaray askari ka tirsan ciidanka Amniga.

Wararka ayaa intaa ku daraya in toogashada ay bilaabatay abaara 4 ee maalintii jimcaha ee waqtiga Mareykanka.

Dhismaha uu weerarka ka dhacay ayaa waxaa ku yaal xafiisyo dowladeed waxaana ka mid ah xarunta canshuurta ee gobolka Virginia.

Ugu danbeyn waxaa goobta laga daad gureeyay dad u badnaa shaqaalaha Dowlada.

Taliyaha ciidanka booliska magaalada James Cervera ayaa sheegay in ay aaminsan yihiin in ninka weerarka geestay uu kaligii ahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here