Kenya oo gacanta ku dhigtay la tuhme ka tirsan Al-Shabaab oo weerari rabay xaflad uu ka qeyb galayo Uhuru Kenyatta

0
540

Kenya oo gacanta ku dhigtay la tuhme ka tirsan Al-Shabaab oo weerari rabay xaflad uu ka qeyb galayo Uhuru Kenyatta

Ciidanka la dagaalanka Argagixisada Kenya ayaa xiray nin la tuhme ah iyadoo dalkaasi laga xusayo maalinta xornimada ee Madaraka Day oo ku beegan 1-da bisha June.

Ninkaan oo da’diisu tahay meel dhaxaad ayaa lagu qabtay magaalada Narok oo qadar saacado ka hor inta aysan bilaaban dabaaldega xuska Maalintaan.

La tuhmahaan ayaa labadii sano ee la soo dhaafay booliska sheegeen in uu ku sugnaa gudaha dalka si uu tababaro ula qaato kooxda Al-Shabaab.

Laba aqoonsi oo ah Kibaandhaha Kenya iyo agab uu doonayay in uu la garo garoonka magaalada oo lagu qabanayo xafladaa ayaa ciidanka gacanta ku Dhigeen.

Magaca ninkaan ayaa lagu sheegay Aadan Galhai oo loo yaqaan Urisha Galhai waana 22 sano jir,waxaana hada su,aalo weydiinaya ciidanka la dagaalanka Argagixisada Kenya ee loo yaqaan ATPU-da.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto ayaa dabaaldega munaasabada maalinta ay kenya xornimada ka qaadayay Ingariiska oo ku beegan 1-da bisha June 1963-dii ku hogaaminaya shacabka Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here