Itoobiya: Somaliland iyo Puntland waxaan u aqoonsannahay inay hoostagaan Soomaaliya

0
519

Itoobiya: Somaliland iyo Puntland waxaan u aqoonsannahay inay hoostagaan Soomaaliya

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya oo ka hadashay arrintan ayaa sheegtay in ay aqoonsan tahay madaxnbannaanida Soomaaliya.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya, Nebiyat Getachew, ayaa BBC u sheegay in “Puntland iyo Somaliland ay u aqoosan yihiin in ay hoostagaan dowladda federaalka ee Soomaaliya”.

“Waxaan safaarad ku leenahay Muqdisho. Somaliland iyo Puntland waxaan ku leenahay xarumo diblumaasiaydeed”, ayuu sheegay afhayeenka.

“Boggeena arrimo badan ayaa ka muuqdo waana eegeynaa”, ayuu hadalkiisa ku daray.

Dadbadan weli waxay xasuustaan khariidaddii Itoobiya ee Soomaaliya meesha ka saartay, balse markale Soomaalida isticmaasha baraha bulshada ayaa ka careysan qoraal kale oo kasoo muuqday bogga wasaarradda arrimaha dibadda ee Itoobiya.

Barta rasmiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya ayaa dal ahaan u diiwaan galisay Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madaxbabbaanida ee Somaliland.

Wasaaradda oo taxaysa dalalka ay xarumaha dublamaasiyadeed ku leedahay ayaa dal ahaan u diiwaan galisay, Somaliland iyo waliba Puntland.

Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland ayaa sheegtay in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale, balse aqoonsi caalami ah wali ma helin.

Maamulka Addis Ababa ayaa markastaa xiriir dhow la lahaa dhammaan madaxdii soo martay Soomaaliya tan iyo burburkii, waxayna sidoo kale martigelisay kulamo badan oo u jeedadiisu ahayd nabadeynta Soomaaliya.

Tan iyo markii isbedelka uu ka dhacay dalka Itoobiya ee xilka uu qabtay Abey Axmed, waxaa soo hagaagayay xiriirka siyaasadeed ee labada dal.

Dowladda madaxweyne Farmaajo ayaa horey u sheegtay “in ay ka faa’ideyso isbedelka siyaasadda ee geeska Afrika”.

Dadka arrimaha siyaasadda iyo diblumaasiyadda ka faallooda waxay aaminsan yihihiin in arrintan ay muddo soo jiitameysay.

Yusuf Garaad oo ahaan jiray Wasiirka arrimaha dibadda ayaa bartiisa Twitter-ka ku qoray in “dowladda Soomaaliya aysan ka aamusin arrintan”.

Cabdiraxmaan Ceynta oo asna wasiir ka soo noqday dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa sidan ku xusay bartiisa:

Danjire Ciid Bedel oo ahaan jiray safiirka Soomaaliya u fadhiya qaramada Midoobay oo dhowaan la hadlay BBC-da ayaa sheegay, “Siyaasaddan waa siyaasad ka horeysay Dr Abiy Axmed. Siyaasaddan waxaa dajisay dowladdi Meles Zenawi. Siyaasaddeedi ku wajahnayd Soomaaliyana waxay ahayd iney Soomaaliya kala qaybiso, inteeda badanan Itoobiya lagu daro, inta soo hartana ama Kenya lagu daro ama wixii kale ee laga sameyn karo laga sameeyo.”

Todobaadkan horraantiisii ayay ahayd markii ay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya raaligalinta ka bixisay khariidadda ay daabacday.

“Run ahaantii waxaan aad uga xunnahay jahwareerka iyo faham la’aanta ka dhashay dhacdadaas” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda.

Khariidaddaas hore ayaa meesha ka saaraysay Soomaaliya, balse waxaa la soo reebay Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here