108-jir: sirta cumri dheerarka waa xaas wanaagsan

0
559

108-jir: sirta cumri dheerarka waa xaas wanaagsan

Esmond Allcock waxa uu u dabaaldagay 108 sano guuradii ka soo wareegtay markii uu dhashay.

Esmond Allcock ayaa sheegay in sirta nolashiisa 108 sano jirka ah ay tahay in qofka uu xusho xaas wanaagsan.

Allcock, oo ka soo jeeda gobolka Kerrobert, Sask, ayaa Jimcihii u dabaaldagay dhalashadiisii 108 sano jirka. Waxa uu ka mid yahay dadka ugu da’da wayn dalka Canada.

“Dhowr sano si wanaagsan uma aanan dhaqmayn,laakiin ka dib ayaa waxaan helay xaas wanaagsan,” ayuu yiri.

Esmond Allcock oo la hadlay warbaahinta dowladda Canada ee CBC ayaa waxaa la waydiiyay sida ay ugu suuragashay in noolashan dheer ee farxadda leh ugu noolaado.

Xaaskiisa oo lagu magacaabi jiray Helen ayaa geeriyootay 7 sano ka hor ka dib markii ay wada jogeen 72 sano.

Waxa uu kaligii ku noolaa guriga qoyskiisa ka hor inta uusan u wareegin xarunta caafimad ee Kerrobert.

Jimcihii ayay shaqaalaha xaruntaasi u qabteen xaflad dhalashadiisa ka dib markii uu 108 sano jirsaday.

“Waxay iga qaadeen 100 sawir,” ayuu yiri Allcock isaga oo qoslaya.

Duqa magaalada uu ninkani ku nool yahay ayaa sidoo kale ka qaybgalay xafladda dhalashada.

Dabaaldag masaafo dheer .

Inkastoo wiilkiisa Dale Allcock, oo 78 jir ah aysan u suuragalin in uu xafladda ka soo qaybgalo oo uu ku sugnaa magaalada Port Coquitlam,ayaa haddana labadooda waxay ku wada xariireen aaladda qaabka muuqaalka ah lagu wadahadlo ee loo yaqano Facetime.

“Qaab muuqaal ah ayaan taleefoonka uga wada hadalnaa malin walba,waxaana dareemi kartaa sida uu u faraxsan yahay,waxa ayna ula dhaqman xarunta sida dahabka oo kale,” ayuu yiri.

Sida uu sheegay wiilkiisa, Allcock ayaa ku noolaa Kerrobert, muddo 100 sano ah waxa uuna halkaas ka ahaa beeraley ka hor inta uusan howlgab noqon 1975.

Waxa jira 67 qof oo qaraabadiis ah oo ay ka mid yihiin 38 uu awoow u yahay 11 uu awoow labaad u yahay.

“Waa hadyad uu alle na siiyay waana taas waxa aan ugu yeeri karno,” ayu yiri wiilkiisa Dale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here