Guusha Narendra Modi maxay uga dhigan tahay Muslimiinta Hindiya

0
505

Guusha Narendra Modi maxay uga dhigan tahay Muslimiinta Hindiya

Maalmo kadib markii hogaanka loo doortay markale Ra’isul wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa waxuu isku dayayaa in uu hanto kalsoonida qowmiyada laga tirada badan yahay ee Muslimiinta Hindiya.

Xisbiga Bharatiya Janata (BJP) oo hogaanka uu u hayo Modi ayaa talada markale loo doortay iyadoo ololihii doorashada intii lagu jiray dhibaato badan loo geestay Muslimiinta Hindiya.

Ra’isul wasaaraha Hindiya ayaa sheegay in asxaabta mucaaradka aysan ka hadlin waxa ay u qabanayaan Muslimiinta gaar ahaan waxyaabaha asaasiga oo ay u baahan yihiin sida caafimaadka iyo Waxbarashada.

Modi ayaa intaa raaciyay in faquuq kala duwan ay la kulmeen intii lagu guda jiray codbixinta lagu soo doortay baarlamaanka cusub,gaar ahaan deegaanada Mucaaradka.

Balse xildhibaan Asaduddin Owaisi, oo ah xildhibaan rug cadaa ah ayaa sheegay in aysan soo dhaweyneyn qudbada Modi uu uga hadlay qowmiyada Muslimiinta dhibaatada Heysata.

Saacado kadib markii lagu dhawaaqay natiijada ayuu sheegay in si aan ganbasho laheyn loo weeraray deegaano ay ku nool yihiin Muslimiinta Hindiya,waxaana falkaan ka danbeeyay taagerayaasha xisbiga haya Talada.

Hogaamiyaha xisbiga Majlis-e-Ittehadul Muslimeen mr Asadudin Owasi ayaa ugu baaqay Ra’isul wasaaraha Hindiya hadii ay dhab ka tahay hadalkiisa in uu la yimaado ficil wax looga qabanayo dhibaatada iyo weerarada ay la kulmayaan muslimiinta Hindiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here