Rag toorey watay oo Gaalkacyo ku dilay gabar ka soo baxday masaajidka xilli Taraawiix ay soo dukatay

0
511

Rag toorey watay oo Gaalkacyo ku dilay gabar ka soo baxday masaajidka xilli Taraawiix ay soo dukatay

Allaha u naxariistee waxaa xalay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug lagu dilay gabar lagu magacaabi jiray Nimco Cumar Shire (Xuuray), xilli ay ka soo baxday Masaajidka oo ay ku soo tukaday Salaadii Taraawiixda.

Falkaan dilka ah ayaa wuxuu ka dhacay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo gaar ahaan Xaafadda Garsoor, kadib markii rag manaxayaal ah oo toorey wata ay dileen gabadhaan.

Dadka deegaanka ayaa sheegay ragga tooreyda watay gabadha inay qoorta kaga dhaawaceen, ugu dambeyna Nimco ay u dhimatay dhaawicii ka soo gaaray tooreydaasi.

Qof ku sugan Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in raggii ka dambeeyay dilka argagaxa laheyd ee gabadhaasi loo gaystay inay ka baxsadeen goobta, kadib markii tooreyda ay ku dhaawaceen gabadha, ugu dambeyna dhaawacaasi ay u geeriyootay.

“Burcadii gabadhaasi dishay ee tooreyda dhuunta ka galisay waa ay baxsadeen, waa fal argagax leh oo naxdin & walaac wayn nagu abuuray, gabadh maskiin ah oo Salaadii taraawiixda ka soo baxday in la dilo waa ayaandaro kale oo wayn oo reer Gaalkacyo ceeb ku ah.” Ayuu yiri qofkaasi.

Magaalada Gaalkacyo ayaa hooy u noqotay goob ay ka dhacaan falalka argagaxa leh ee lagu beegsado gabdhaha dhalinyarada, xilli la wada xusuusto falkii kufsiga & dilka isugu jiray ee loo gaystay Caaisha Ilyaas Aadan oo aheyd gabar 12 sano jir aheyd.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here