Dhagaxyo aad u baaxad weyn oo kusoo dhacay waddo ku taalla Mareykanka

0
491

Dhagaxyo aad u baaxad weyn oo kusoo dhacay waddo ku taalla Mareykanka

Qeyb ka mid ah waddo weyn oo ku taalla gobolka Colorado ee dalka Mareykanka ayaa gabi ahaanba burburtay kadib markii ay ku soo dhaceen “dhagaxdo dhismeyaal la eg”, sida ay mas’uuliyiinta sheegeen.

Waaxda gaadiidka ee ismaamulka Gobolka ayaa sheegtay in waddada ay xirantay markii ay ku dhaceen dhagaxyo waaweyn oo ay wasakh la socoto.

Sawirro lasoo dhigay bogga Facebook-ka ee waaxdaas ayaa muujiyay dhagaxyada oo waddada ka sameeyay god qotadiisu la egtahay 8ft oo u dhiganta (2.5 mitir).

Waddadan oo isku xirta magaalooyinka Cortez iyoTelluride ayaa lagu soo warramay inay xirantahay ilaa hadda.

A map showing the state if Colorado with Telluride and Cortez marked

Mid kamid ah dhagaxyada ayaa culeyskiisa lagu qiyaasay 4,000 oo tan, halka dhererkiisa iyo ballaciisuna ay yihiin 15 mitir.

A huge boulder with the rest of the road in the distanceLahaanshaha sawirkaCOLORADO DEPARTMENT OF TRANSPORTATION FACEBOOK PAG

Waxaa hadda socda howl culus oo lagu doonayo in dhagaxyadaas waaweyn looga qaado waddada, sida ay saraakiisha waaxda gaadiidka ku warrameen.

The piles of rocks caused by the landslideLahaanshaha sawirkaCOLORADO DEPARTMENT OF TRANSPORTATION FACEBOOK PAG

Dhgaxyadan ayaa sida muuqata kasoo dhacay dhul buuro ah oo ku dhow waddadaas, lamana soo tabinin cid wax ku noqotay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here