Madaxweyne Farmaajo oo dib ugu soo laabtay Muqdisho, kuna sii jeeda dalka Sacuudi

0
526

Madaxweyne Farmaajo oo dib ugu soo laabtay Muqdisho, kuna sii jeeda dalka Sacuudi

Madaxweyanaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa galabta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdishi,  kaddib markii uu ka soo qeyb galay munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha cusub ee dalka Koonfur Afika Mudane Cyril Ramaphosa.

Madaxweynaha ayaa inta aanu kasoo ambabixin dalka Koonfur Afrika waxa uu kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaas, isagoo la wadaagay horumarka ay ku tallaabsanayso dowladda iyo muhiimadda ay leedahay in dadka Soomaaliyeed ay adkeeyaan midnimadooda meel kasta oo ay joogaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku bogaadiyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Koonfur Afrika doorka wanaagsan ee ay ku leeyihiin isu soo dhawaanshada labada dal.

“Jaaliyadda dalkaan, waxaad ku tilmaaman tihiin dadaalkiina iyo saameynta dhaw ee aad ku leedihiin nolosha qoysas badan oo Soomaaliyeed, waxaan idinku boorrinayaa in aad ilaashataan midnimadiinna iyo sumcadda Soomaalinimo ee aad xambaarsan tihiin”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Dhinaca kale Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa in Arbacada u ambabaxo dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, halkaasoo uga qeyb galayo shir degdeg ah uu isugu yeeray Boqorka Sacuudiga Madaxda Carabta iyo kuwa Khaliijka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here