Madaxweynaha Puntland oo Maamul iyo Taliye cusub u magacaabay Gobolka Mudug

0
552

Madaxweynaha Puntland oo Maamul iyo Taliye cusub u magacaabay Gobolka Mudug

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdulaahi Dani ayaa isbedel ku sameeyay hoggaanka Maamulka Mudug ee Puntland & Sidoo kale Taliskii qaybta Booliska ee Gobolka Mudug.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha ayaa waxaa lagu magacaabay Maamul cusub oo loo yeelay Gobolka Mudug ee Puntland.

1.Waxaa Axmed Muuse Nuur loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Mudug.

2. Waxaa Xasan Cabdullaahi Warsame (Wardheere) loo magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka gobolka Mudug.

3.Waxaa Maxamed Xasan Xuseen (Waloore) loo magacaabay Guddoomiye Ku- Xigeenka 2aad ee Gobolka Mudug.

4. Xeerkani wuxuu dhaqangelaya markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale magacaabay Taliyaha Booliska qaybta Mudug ee Puntland.

Waxaa G/Sare Jaamac Maxamed Axmed loo magacaabay Taliyaha Qeybta Booliiska ee Gobolka Mudug .

Isbedelkaan ballaaran ee Madaxweynaha Puntland uu ku sameeyay xubnaha Maamulka Gobolka Mudug & Booliska ayaa ku soo aadaya ,iyadoo muddooyinkii dambe uu ku sugnaa Magaalada Gaalkacyo oo kulamo kala duwan uu kula qaadanaayay Bulshada Gobolka Mudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here