Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday Saldhigga Ciidamada AMISOM

0
538

Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday Saldhigga Ciidamada AMISOM

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa xalay weerar culus ku qaaday Saldhigga Ciidamada AMISOM iyo kuwa Jubbaland ku leeyihiin deegaanka Qooqaani ee Gobolka Jubadda Hoose.

Sida wararku sheegayaan dagaal socday muddo saacado ah ayaa labada dhinac dhex maray, iyadoo la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Guddoomiyaha deegaanka Qooqaani Muuse Macalin ayaa sheegaya inay ka war hayeen weerarka Al-Shabaab ku soo qaadayeen deegaanka, ayna iska difaaceen.

Sidoo kale Guddoomiyaha deegaanka Muuse Macalin ayaa sheegay in dagaalka ay khasaare ku gaarsiiyeen Al-Shabaab, ayna arkeen meyd ay goobta lagu dagaalamay uga carareen.

Deegaanka Qooqaani ayaa u dhaxeeya Dhoobley iyo Afmadow, waxaa uu ka mid ahaa deegaanadii uu dagaalada culus ka dhacay duulaankii Ciidamada Kenya hoggaaminayeen ee ay ku soo galeen Soomaaliya dhamaadkii sanadkii 2011.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here