DEG DEG: Ciidamada Somaliland Iyo Kuwa Puntland Oo Ku Dagaalamay Magaalada Damalla-Xagare Ee Koonfurta Gobolka Gobolka Sanaag.

0
767

DEG DEG: Ciidamada Somaliland Iyo Kuwa Puntland Oo Ku Dagaalamay Magaalada Damalla-Xagare Ee Koonfurta Gobolka Gobolka Sanaag.

Dagaal u dhexeeya ciidamo ka tirsan Somaliland iyo ciidamado uu wato wasiirka wasaaradda waxbarashada Puntland Cabdullahi Maxamed Xasan ayaa goordhaweyd ka bilowday galbeedka magaalada Damalla-xagare ee koonfurta gobolka Sanaag.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii Wafdiga Puntland ay Booqasho ku tageen Deegaanka YUBBE ee Gobolka sanaag, Halkaasi oo Ciidanka Somaliland ay Horay ula wareegeen, Waxayna la sheegay inay Booqashadu Salka ku haysay sidii loo dhiiri galin lahaa ciidamada Puntland ee ku sugna jiida hore ee dagaalka.

Ilaa hada lama Xaqiijin Khasaaraha ka dhashay dagaalka, Waxaana Wasiiradii booqashada ku tagay deegaanka Yube waxaa hogaaminayay wasiirka waxbarashada Puntland iyo Guudoomiyaha gobolka Sanaag Maxmuud Ismaaciil Ciyoon iyo qaar kamid ah saraakiisha ciidamada difaaca Puntland.

Wasiirka waxbarashada ayaa maalmahan booqanayey magaalooyinka gobolka Sanaag oo uu ka socdo imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland.

Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi oo dhowaan Hargeisa hadlay ayaa sheegay inay sii daynayaan Maxaabiistii dagaalkii Tukaraq, sidoo kalana ay doonayaan inay nabad kula noolaadaan Puntland, Mana Cadda cida maanta Bilowday dagaalka u dhexeeya Labada dhinac iyadoo lagu Jiro Xili Ramadaan ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here