Facebook oo baaraysa meelkadhac lagu sameeyay dadka saamaynta leh ee isticmaala Instagram

0
441

Facebook oo baaraysa meelkadhac lagu sameeyay dadka saamaynta leh ee isticmaala Instagram

Barta sawirada la iskula wadaago ee Instagram ayaa sheegtay in ay isku dayayso sidii ay ula xiriiri lahayd 50 milyan oo ka mid ah macaamiisheeda kuwaas oo xogtooda la galiyay online-ka laguna kaydiyay meel aan sugnayn.

TechCrunch, oo markii u horraysay tabisay xogtan ayaa sheegtay in macluumaadyadaas ay ka mid yihiin e-mail-lada iyo lambarrada taleefoonnada dad magac leh oo loogu yeero “dadka saamaynta leh”.

Dabagal la sameeyay ayaa lagu ogaaday in meesha xogtaas lagu kaydiyay ay tahay shirkad fadhigeedu yahay magaalada Mumbai ee dalka Hindiya oo lagu magacaabo Chtrbox.Instagram, oo ay leedahay shirkadda Facebook, ayaa BBC u sheegay in uu isku dayay in uu ogaado meesha ay xogta ka timid.

“Waxaan raadineynaa arrinka si aan u fahanno haddii macluumaadka la qeexay ay ku jiraan email iyo lambarro telefoon ay ka yimaadeen Instagram ama ilo kale, waxaan sidoo kale wax ka weydiineynaa Chtrbox si aan u fahanno halka ay xogtan ka timid iyo sida ay dadweynaha u heleen, “ayaa lagu yiri bayaanka.

Warbixinta TechCrunch, ayaa sheegtay in xogta ay sidoo kale ku jiraan macluumaad sida goobta ay joogaan dadka isticmaala.

Xogta lafteeda, ayaa lagu kaydiyey adeega shirkadda Amazon, oo aan la ilaalin karin lambarka sirta ah. Cilmi-baare u dhashay dalka Hindiya, ayaa ogaadey in ay u soo gudbisay TechCrunch.

Chtrbox, oo ah shirkad suuq-geyn , ayaa macluumaadkaasi imika ka bixisay goobta.

Shirkadda ayaa bayan ay soo saartay waxay ku sheegtay in wararka soo baxaya aysan “sax ahayn “.

“Xogtani kuma aysan jirin xog shakhsiyeed oo xasaasi ah, waxaana kaliya ay ka koobneyd macluumaad laga heli karo goobta dadweynaha,.”

Shirkadda ayaa sheegtay in aysan marnaba soo iibsan wax macluumaad ah oo lagu helay qaab “qaldan”, sida in ay macluumaadka jabsadeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here