Neymar oo laga ganaaxay cayaaraha Yurub

0
503

Neymar oo laga ganaaxay cayaaraha Yurub

Cayaaryahanka weerarka uga dheela kooxda Paris St-Germain ee Neymar ayaa lagu ganaaxay in aanu ka qayb qaadan saddex cayaarood oo kuwa Yurub ah sababo la xiriira in uu bartiisa Instagram-ka ku aflagaadeeyey saraakiisha cayaaraha kadib markii Manchester United ay ka adkaatay kooxdiisa PSG oo ay ku reebtay wareegga 2aad ee Champions League-gga.

Cayaaryahankan reer Brazil ayaa dhaliilay gool ku laadkii uu garsoore Damir Skomina u dhigay kooxda Manchester United kadib markii uu garsooruhu kasoo xaqiijiyey muuqaalka garsooraha caawiya arrintaas oo uu Neymar ku tilmaamay mid “ceeb” ah.

Neymar, oo dhaawacmay ayaa cayaarta ka daawanayey banaanka ayadoo Manchester United ay kasoo kabatay guuldarradii lugtii hore kusoo gaartay gurigeeda oo PSG ay kagasoo badisay 2-0.

Neymar ayaan haatan cayaari doonin kala bar is reeb reebka Champions League-ga ee xilli ciyaareedka soo socda.

Neymar ayaa ku andacooday in gool ku laadkii uu dhaliyey Marcus Rashford uu ahaa “mid aan waxba ka jirin”.

27 jirkaan ayaa intaas ku daray ” Waa ceeb. Afar nin oo aan waxba ka aqoon kubadda cagta in ay lasoo daahaan jawaabta oo ay kasoo dheehdaan shaashad yar”.

Garsooraha ayaa shaashadda kasoo eegay go’aankii laga qaatay kubad gacanta uga dhacday ciyaaryahanka difaaca uga ciyaara PSG ee Presnel Kimpembe kahor inta aan kooxda martida ah lagu abaalmarin gool ku laad cayaarta ka dhigay 3 -1 lugtii labaad ee la cayaaray 6-dii March, taas oo Manchester United u suurta galisay in ay u soo baxdo wareegga xiga ayadoo la eegayo xeerka goolka ay kooxdu kusoo dhaliso bannaanka.

“Gacantiisa muxuu ku qaban karey asagoo uu dhabarkiisu sii jeedo?” ayuu iswaydiiyey Neymar, oo labadii kulamba aan dheelin maadaama uu dhaawac ahaa.

Neymar ayaa dib usoo laabtay kadib markii uu saddex bilood dhaawac ku maqnaa, asagoo baddal kusoo galay qaybtii dambe ee ciyaartii ay horyaalka Faransiiska ku qaadday kooxda PSG oo Axaddii ka adkaatay kooxda Monaco.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here