Ilhaan Cumar oo ka hadashay waxay isku seegeen madaxweyne Donald Trump

0
610

Ilhaan Cumar oo ka hadashay waxay isku seegeen madaxweyne Donald Trump

Ilhaan Cumar oo ah xildhibaan ka tirsan Aqalka Wakiillada ee waddanka Mareykanka ayaa sheegtay inay in muddo ahba is-hayeen madaxweyne Donald Trump.

Ilhaan Cumar oo u warramaysay BBC Somali ayaa waxa ay sheegtay in khilaafka kala dhaxeeya Trump uu salka ku hayo khilaafka Trump kala dhaxeeya Muslimiiinta, dadka soo galootiga ah, haweenka iyo dadka madowga ah.

“Khilaafka aniga iyo madaxweynaha [Trump] wax cusub ma ahan, waxaan aaminsanahay in khilaaf weyn uu ka dhaxeeyay isaga iyo dadka Muslimiinta ah, khilaaf weyn uu ka dhaxeeyay isaga iyo dadka qaxootiga waddankan ku ah, khilaaf weyn uu ka dhaxeeyay isaga iyo dadka madowga ah, khilaaf weyn uu ka dhaxeeyay isaga iyo dadka dumarka ah.”

Ilhaan waxa ay sheegtay in iyada ay mas’uuliyad gaar ah ka saaran tahay dadkaasi oo waxa ay tiri “aniga waxaan ahay qof dadkaas oo dhan wadamatalo, marka aniga iyo asaga inaan isku dhacno waa wax mar hore soo bilowday.”

 

Ilhaan oo xaafad ka mid ah magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee laga soo doorto kula kulantay qaar ka mid ah bulshada Soomaalida ayaa sheegtay in halista amni ee ay wajahayso uu madaxweyne Trump ka dambeeyo.

“Halistaas waxaan u malaysanayaa in dadka badanaa ay dareemi karaan in sida madaxweynaha uu u hadlaayo inay keentay.” ayey tiri.

“Dadka hadda xabsiga daraadey ugu jira oo rabay inay aniga I dilaan kuligood waxay dhaheen madaxweynaha ayaan taageersannahay oo madaxweynaha magaciisa ayaan rabnaa inaan Ilhaan ku dilno.” ayey Ilhaan sii raacisay.

Xildhibaan Ilhaan CumarLahaanshaha sawirkaILHAN OMAR/TWITTER
Image captionXildhibaan Ilhaan Cumar

‘Trump halis ayuu dad badan galiyay’

Ilhaan waxa ay sheegtay in madaxweyne Trump uusan kaligeed halis galinee uu sidoo kale halis galiyay dadka iyada ay matasho iyadoo tiri: “wuxuu halis galiyay dadka qaxootiga ah ee raba inay waddankan [Mareykanka] soo galaan, halista uu galiyay dadka Muslimiinta, halista uu galiyay dadka madowga ah iyo dumarka sida uu uga hadlo halista ay keenayso.”

Waxa ay intaasi ku dartay in Trump uusan ka fakarin dhibka uu hadalkiisa keeni karo “waa qof aanan ka fakarin hadalka uu isticmaalaayo iyo dhibaatooyinka uu keeni karo, iyadoo dadka uu ka dhigayo inay cadaw yihiin oo kale.”

Ilhaan waxa ay tilmaantay in la soo gaaray waqtigii Trump laga qaadi lahaa xilka madaxtinimada.

Daawo: Wareysi aan la yeelanay Ilhaan Cumar

Baaqa Trump ee iscasilaadda Ilhaan Cumar

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa bartamihii bishii Febraayo waxa uu ugu baaqay Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Kongreska Mareykanka, inay iscasisho, kaddib markii ereyo “Yuhuud naceyb” ah ay ku qortay barteeda Twiter-ka.

Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in xildhibanaada aqalka Kongreska ee taageersan Israa’iil ay dhaqaale ka helaan kooxaha taageera Yuhuuda, arrintaasi oo sababtay in Gudoomiyaha Kongreska, Nancy Pelosi oo sheegtay in Ilhaan looga fadhiyo inay raaligeli ka bixiso hadalkaasi.

Trump ayaa sheegay in Yuhuud naceybka aysan melnana uga banaaneyn Maraykanka.

“Ilhan Cumaar hadalkii ay tiri waa mid aad u xun, waxayna ila tahay inay iska casishaa aqalka Kongreska ama ay ugu yaraan isaga tagtaa xubinimada guddiga arrimaha dibadda ee aqalka,” ayuu yiri Trump.

Waxaa kale oo uu sheegay in raali gelintii ay bixisay Ilhaan Cumar ay tahay mid daciif ah, oo waxaaa uu intaa raaciyay in hadalka kasoo yeeray Ilhaan uu yahay mid ay si weyn u aaminsan tahay.

Haddaba halkee iskala qaadeen Ilhaan Cumar iyo Trump?

Madaxweyne Trump oo ka hadlaya kulan ay lahaayeen Kooxda Hoggaamisa siyaasadda YuhuuddaLahaanshaha sawirkaMEDIAPUNCH/REX/DAILY MAIL
Image captionMadaxweyne Trump oo ka hadlaya kulan ay lahaayeen Kooxda Hoggaamisa siyaasadda Yuhuudda

Xiligii uu madaxweyne Trump ku jiray ololaha doorashada, waxaa aad loo xusuusta hadal uu ka yiri Soomaalida ku nool Mareykanka oo ahaa in falal argagixiso ay kusoo kordhiyen Minnesota, oo haddii la doorto uu ka hortagi doono qulqulka qaxootiga iyo muhaajiriinta Soomaalida.

Waxaa kale oo aad loo xusuusta hadal caan baxay oo ay tiri Ilhaan oo aha in dadka Minnesota aysan soo dhaweynin qaxootiga oo keliya, balse sidoo kale ay u diraan Washington, oo ay ula jeedday doorashadeedii maadaamma ay qaxooti ahaan dalka ku soo gashay.

Markii la dhaariyay lhaan Cumar aya waxay farta ku fiiqday arrimo ay kamid yihiin taageerada Trump uu siiyo dowladda Sacuudiga ee dagaalka ka wada dalka Yemen, waxaana ay ku baaqday in Trump uu joojiyo taageerada uu siiyo xulafada Sacuudiga uu hogaamiyo ee dagaalka ka wada dalka Yemen.

Ilhaan Cumar ayaa ku guulaysatay isreebreebka musharraxnimada Xisbiga Dimuqraadiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here