Daraasad: Dadka dunida ku nool “waxaa hareeyay walwal, murugo iyo xanaaq”

0
1318

Daraasad: Dadka dunida ku nool “waxaa hareeyay walwal, murugo iyo xanaaq”

Dadka ku nool daafaha caalamka ayaa noqonaya kuwo carada, walwalka iyo murugadu ay ku badan tahay, sida lagu sheegay sahan cusub oo caalamka oo dhan laga sameeyay.

Saddex meelood hal meel qiyaastii 150,000 oo qof oo wareysi lala yeeshay oo ku nool in kabadan 140 waddan ayaa waxa ay sheegeen in ay wajahayaan walwal ba’an, halka ugu yaraan mid ka mid ah shantii qofba ay sheegeen in ay dareemeen murugo iyo xanaaq.

Sahanka sanadlaha ah ee shirkadda Gallup Global Emotions ayaa dadka lagu weydiiyay waaya-aragnimadooda nolasha dhanka wanaagsan iyo xumaantuba.

Dalka Chad ayay dadkiisu aragti xun ka bixiyeen waaya-aragnimadooda nolasha, waxaana ku xigay waddanka Niger halka waddanka ugu wanaagsan uu ahaa Paraguay, sida lagu sheegay daraasaddaasi.

Cilmibaarayaasha sahankani sameynayay ayaa waxa ay diiradda saareen oo ay dadku weydiinayeen waxyaabihii ay la kulmeen maalin uun ka hor maalintii xog wareysigan lala yeeshay.

Dadkii xog uruurintan ka qeybqaatay ayaa la weydiiyay su’aalo sida “si aad ah ma u dhoolla caddeysay mise ma u qososhay?” si wax badan looga ogaado xaaladda dadkani ku nool yihiin iyo waxyaabaha ay maalin kastaa la kulmaan.

Ku dhawaad 71% dadka xog wareysiga lala yeeshay ayaa waxa ay sheegeen in maalintii ka horreysay xog wareysigaasi ay dareemeen farxad aad u badan.

Xog uruurintaasi ayaa lagu ogaaday in heerka walwalka uu gaarsiisan yahay meel sare halka heerka murugada iyo xanaaqa ay sidoo kale sare kaceen.

Ku dhawaad 39% dadka wareysiga lala yeeshay waxa ay sheegeen in ay walwal ba’an dareemeen maalintii kla horreysay xilliga wareysigan lala yeeshay halka 35% ay sheegeen in maskax ahaan aad isku buuqeen.

stress

Shanta waddan ee ugu horreeya ee dadkooga ay farxadda muujiyeen

  • Paraguay
  • Panama
  • Guatemala
  • Mexico
  • El Salvador

Shanta waddan ee ugu horreeya ee dadkooga ay walwalka muujiyeen

  • Chad
  • Niger
  • Sierra Leone
  • Ciraaq
  • Iiraan

Waddamada Latin Ameerika ee sida Paraguay, Panama iyo Guatemala ayaa ugu sarreeya waddamada dadkooga ay farxadda muujiyeen, waxa ayna sheegeen in “maalin kastaa ay dareemaan farxad.”

Daraasaddani ayaa lagu sheegay in arrintaasi ay sabab u tahay dhaqanka dadka waddamadani oo nolasha ka eega dhanka farxadda oo kaliya.

Waddanka Chad ayaa ugu sarreeyay waddamada dadkooga ay hareeyeen walwalka, murugada iyo xanaaqa caalamka oo dhan. Tobankii qofba in kabadan toddobo qof dadka reer Chad ayaa waxa ay sheegeen in mararka qaar sanadkii la soo dhaafay ay awoodi waayeen in ay helaan cunno.

In kabadan 61% dadka dalkaasi waxa ay sheegeen in ay jir ahaan xanuun dareemeen.

Dalkaasi Chad ayaa waxaa dhibaato ku haya horumar la’aanta kaabayaasha dhaqaalaha iyo colaadda ka jirta gudaha dalkaasi, iyadoo daryeelka caafimaad iyo arrimaha bulshaduna ay sidoo kale aad uga liita waddamada kale ee gobolka.

Inkastoo xaaladdaasi ay ka jirto waddanka Chad, haddana dadka waddamada Mareykanka iyo Giriigga ayaa uga walwal iyo murugo badan dadka reer Chad.

Dalka Giriigga ayaa ah waddanka dadkiisa ay ugu walwalka badan yihiin caalamka oo dhan, waxaana 59% shacabka dalkaasi ay sheegeen in ay dareemaan walwala aad u badan. Halka 55% dadka qaangaarka ahi ee dalka Mareykanka ay iyaguna sheegeen in walwalku uu ku badan yahay.

soomaaliyaLahaanshaha sawirkaREUTERS

Saandkii 2017-kii ayaa warbixin ay Qaramada Midoobay maalgelisay waxaa lagu sheegay in Soomaaliya ay ka mid tahay shanta waddan ee qaaradda Afrika ee dadka ku nooli ay ugu farxad badan yihiin.

Waxaa sidoo kale shantaasi dal ka mid ahaa waddamada Algeria, Mauritius, Liibiya iyo Morocco.

Baarayaasha diyaariyey daraasaddaasi ayaa waxa ay darseen 155 dal, waxayna sheegeen in dadka ugu liita dhinaca farxadda qaaradda Afrika in ay ku nool yihiin dalka Jamhuuriyada Afrika dhexe, waxa ku xiga Burundi iyo Tanzania. Waddamada kale ee liiska meesha hoose ka galay waxa ka mid ah Rwanda, Togo, Guinea, Liberia iyo Suudaanta Koonfureed.

Warbixinta ayaa waxa lagu saleeyay su’aalo dad ka badan 1000 qof la waydiiyey inta u dhaxeysay 2014- ilaa iyo 2016-kii.

Wareysi lamaane ka hadlayo nolasha guurka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here