Milateriga Sri Lanka oo weerar ku qaaday guryo laga soo abaabulay qaraxyadii dalkaas gilgilay

0
659

Milateriga Sri Lanka oo weerar ku qaaday guryo laga soo abaabulay qaraxyadii dalkaas

Afhayeen u hadlay Milateriga dalka Sri Lanka ayaa sheegay inay heleen meydadka 15 ruux oo ay ku jiraan Carruur, kaddib markii is rasaaseyn dhex martay Ciidamada iyo koox hubeysan, xilli ciidamada baarayaan guryo laga shakisan yahay in laga soo abaabulay weeraradii Axadii la soo dhaafay ka dhacay dalkaas.

Howlgalada baaritaanada ayaa la sheegay inuu ka socday gobolka bari ee dalkaas, waxaana intii ciidamada howlgalka ku guda jireen la maqlay rasaas ay is weydaarsadeen koox hubeysan, labo ka mid ah maleeshiyada hubeysan ayaa la dilay.

Meydadka laga helay guriga looga shakisanaa inuu gabaad u ahaa kooxdii fulisay qaraxyadii dalkaas ruxay ayaa waxaa ku jira lix carruur ah.

Jimcihii shalay Ciidamada ayaa hareereeyay guri ku yaalla magaalada Sammanthurai, halkaasoo dableyda hubeysan ay qaraxyo adeegsadeen, isla markaana bilaabeen rasaas.

Booliska ayaa kordhiyay baaritaanada iyo dhaq dhaqaaqyada amni ee ka jira Gobolka bari ee dalkaas, iyadoo bandow la soo rogay.

Ra’iisul Wasaaraha dalkaas ayaa sheegay in 140 ruux la baadigoobayo oo la tuhmayo inay weeraradaas ka dambeeyeen, xiriir la leeyihiin kooxda ISIS, ilaa 70 ruux ayaa illaa hada loo xiray weeraradaas.

Illaa 250 ruux ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen qaraxyadii axadii la soo dhaafay ka dhacay Sri lanka, inkastoo warbaahinta ay sheegayaan in tirada dhimashada ka badan tahay 300 oo ruux.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here