Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta warbixin ka dhageysanaya Guddiga Doorashooyinka Qaranka

0
628

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta warbixin ka dhageysanaya Guddiga Doorashooyinka Qaranka

Maanta oo Arbaco ah taariikhduna ay ku beegan tahay 17/4/2019 ayaa lagu wadaa in Xildhibaannada Golaha Shacabka ay yeeshaan kulankoodii caadiga ahaa, iyaga oo uga hadli doono qodobo muhiim ah.

Kulanka maanta ayaa waxaa looga hadli doonaa laba Ajande kuwaas oo kala ah Warbixinta guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo  Akhrinta koowaad ee sharciga wax ka bedelka furdooyinka.

Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa xalay loo diray fariimo wargelin ah oo ku saabsan kulanka Maanta, waxaana xusid mudan in Sabtidii iyo Axadii todobaadkaan ay Xildhibaanada si weyn uga hadleen Arrimo la xiriira Amniga.

Sidoo kale Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa horyaalla Ajendayaal dhowr ah oo u baahan ka doodis ama in ay ansixiyaan halka kuwa kale ay qaarkood horay u soo marsiiyeen Akhrinta koowaad iyo tan labaad, hayeeshee u baahan kaliya inay waxka bedelaan ama ay ansixiyaan.

Ciidamada Booliska ayaa xiray wadooyinka ku dhaw Xarunta Golaha Shacabka Somaliya, halkaasi oo ay amniga si wayn uga adkeynayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here