Uganda oo diyaar u ah inay magangalyo siiso Madaxweynihii la afgambiyay ee Sudan

0
668

Uganda oo diyaar u ah inay magangalyo siiso Madaxweynihii la afgambiyay ee Sudan

Dowladda Uganda ayaa diyaar u ah inay siiso magangalyo Madaxweynihii hore ee Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir, kaasoo todobaadkii hore xukunka laga tuuray, kaddib banaan baxyo bilooyin socday, oo sababay in Milateriga soo farageliyaan, xukunkana ka tuuraan Cumar Al-Bashiir.

Henry Okello Oryem oo ah Wasiiro Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Uganda ayaa u sheegay Guddiga Baarlamaanka ee qaabilsan Arrimaha Dibadda in Al-Bashiir uu damaanad qaade ka ahaa heshiiska Nabadda Koofurta Sudan.

“Haddii uu Al-Bashiir halkan ka dalbado magangalyo waa wax ay dowladda Uganda tixgelin doono, maxaa yeelay wuxuu damaanad qaade ka yahay heshiiska nabadda”ayuu yiri Henry Okello Oryem.

Yoweri Museveni iyo Cumar Xasan Al-Bashiir oo saaxibo dhow ah ayaa labadaba waxay damaanad ka yihiin heshiiska nabadda ee Koofurta Sudan oo bilo ka hor lagu saxiixay magaalada Khartoum.

Waxaa uu sheegay in dowladda Uganda ay si dhow ula socoto dhacdooyinka ka socda Khartoum, kaddib markii todobaadkii hore ee Milateriga Sudan ay xukunka ka tuureen Madaxweyne Al-Bashiir oo muddo 30 sano xukumayay dalkaas.

Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa ku jira xabsi guri, kaddib markii Milateriga dalkaas ay 11-kii bishan ku dhawaaqeen inay talada ka tuureen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here