Wararkii ugu dambeeyay ee afgambigii dalka Sudan iyo dibadbaxayaashii

0
700

Wararkii ugu dambeeyay ee afgambigii dalka Sudan iyo dibadbaxayaashii

Waxaa weli ka sii socda magaalada Khartoum ee dalka Sudan banaanbaxyadii ka dhacayay iyadoo kumanaan ruux ay joogaan wadooyinka caasimada Sudan.

Dadka banaanbaxaya ayaa waxa ay iska dhega tireen bandow uu soo rogay golaha cusub ee milatariga ee shalay xukunka dalkaasi la wareegay.

Waxaa soo baxaya cabsi laga qabo in maanta isku dhac uu ka dhaco magaalada Khartuum iyadoo ay tahay maalin jimce ah dadka banaanbaxyana ay sii kordhayaan.

Dadka banaanbaxyada dhigaya ayaa ku tilmaamay golaha cusub inuu qeyb ka yahay nidaamkii hore ee Cumar Al-Bashiir.

Dabaaldegyadii ka dhashay xarrigga madaxweyne Al-Bashiir oo 75-jirka ah ayaa markiiba isu badalay caro ka dib markii dadka dibadbaxyada dhigaya ay ku baaqeen in ay hor fariistaan xarunta milatariga dalkaasi.

“Waxa ka dhacay Sudan waa nidaamkii hore oo dhar cusub loo soo geliyay.”ayuu yiri Mohamed Hisham oo kamid ah dadka isbedel doonka ah.

“Waxaan ahay soddon sano jir intii aan noolaa waxaan ku dhex jirnay xornimo la’aan iyo weliba hanjabaadyo.”ayuu sii raaciyay Hisham oo ka mid ah dadka banaanbaxyada dhigaya.

Ugu yaraan 35 ruux ayaa ku dhimatay tan iyo markii toddobaadkii hore ay bilowdeen dibadbaxyada ka bilowdeen dalka Sudan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here