Dhimasho badan oo ka dhalatay qarax xoogan oo ka dhacay wadanka Pakistaan

0
538

Dhimasho badan oo ka dhalatay qarax xoogan oo ka dhacay wadanka Pakistaan

Ugu yaraan 16 ruux ayaa ku dhimatay halka 30 kalena ay ku dhaawacmeen qarax xoogan oo ka dhacay suuq lagu ganacsado oo ku yaal magaalada Quetta ee dhacda dhanka koonfut galbeed,sida ay Booliska Sheegeen.

Taliyaha ciidanka Booliska magaalada Mr Cabdirizaaq Cheema ayaa sheegay in dadka la laayay ay badi yihiin qowmiyada laga tirada badan yahay ee Hazara oo ah Shiicada ku nool Quetta.

Waxuu intaa ku daray in Qaraxa uu ka dhacay gudaha baqaar lagu iibiyo Baradhada oo ku dhexyaal Gudaha Suuqa.

Taliyaha magaalada Quetta ayaa ugu danbeyn sheegay in ilaalo xoogan ay geyn doonan si loo sugo amaanka dadka Shiicada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here