Wax ka ogow sida loo sameynayo isku aadka Koobka Qaramada Afrika ee 2019

0
616

Wax ka ogow sida loo sameynayo isku aadka Koobka Qaramada Afrika ee 2019

Isku aadka Koobka Qaramada Afrika waxa la sameynayaa habeenka Jimcaha, xilli dhowr ciyaaryahan oo ka dheela Horyaalka Ingiriiska ay ka dhursugayaan dalalka ay xulalkooda ku soo beegmi doonaan.

Tartankan oo ka dhici doona dalka Masar ayaa noqonaya midkii ugu weynaa oo waxaa ka qeyb qaadanaya 24 kooxood, waana midkii ugu horreeyay ee la qabto xilliga xagaaga ee qaaradda Yurub iyadoo markii hore la qaban jiray bilaha Janaayo iyo Febraayo.

Tartanku waxa uu bilaaban doonaa 21 Juun waxa uuna dhammaan doonaa 19 July, taas oo ka dhigan in ciyaartoyda ka dheesha qaaradda Yurub aanay ka maqnaan doonin ciyaaraha kooxaha ay u dheeleen maadaama fasaxii sanadka lagu jiro.

Xulka Cameroon ayaa difaacanaya koobka loo tartamayo, guushaanta waxa uu gaaray kaddib markii uu ka adkaaday midka Masar 2017.

Labada ciyaaryahan ee u dheela kooxda Liverpool Maxamed Salah (Masar) iyo Sadio Mane (Senegal), ciyaaryahanka kooxda Manchester City Riyad Mahrez (Aljeeriya) iyo weerraryahanka kooxda Crystal Palace Wilfried Zaha (Ivory Coast) ayaa ka mid ah xidigaha Horyaalka Ingiriiska ee la filayo inay tartankaasi ka qeybqaataan.

Sida loo sameynayo isku aadka

Kooxaha ayaa waxaa loo qeybiyay afar waaxood iyadoo lagu saleynayo heerka ay kaga jiraan shaxda xulalka kubadda cagta ee Fifa ee la shaaciyay 4 Abriil. Kaddibna waxaa isku aadka lagu dhigi doonaa lix qeybood oo mid afar xul ka kooban.

Waaxaha loo qeybiyay isku aadka koobka Afcon
Waaxda 1 Waaxda 2 Waaxda 3 Waaxda 4
Masar DR Congo South Africa Zimbabwe
Cameroon Ghana Uganda Namibia
Senegal Mali Benin Guinea-Bissau
Tunisia Ivory Coast Mauritania Angola
Nigeria Guinea Madagascar Tanzania
Morocco Aljeeriya Kenya Burundi

Labada kooxood ee ugu sarreysa qeybkasta iyo afarta kooxood ee ugu wanaagsan kooxaha gala kaalinta saddexaad ayaa usoo gudbi doona ciyaaraha kala baxa.

Halka iyo goorta ay ciyaarahan ka dhacayaan

Koobka Qaramada AfrikaLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionKoobka Qaramada Afrika

Masar, 21 Juun ilaa 19 July.

Cameroon ayaa markii hore loo doortay inay tartankan martigeliso, hasayeeshee dalkaasi waxaa lagala noqday xuquuqdii martigelinta sababtoo ah waxaa dib udhac ku yimid hannaanka diyaargarowga. Bayaan arrintaasi lagu qeexayo oo ka soo baxay Xiriirka Kubadda Cagta ee Afrika ayaa lagu sheegay “Waxaanan laga soo dhalaalin dhowr arrimood oo ay aheyd in la sameeyo” mana doonayno inaan Koobka Qaramada Afrika uu madaxa la galo “arrimo saameyn kara habsami u socodka tartankan ugu qiimaha badan qaaradda Afrika”.

Waqtigii rasmiga ah ee la dheeli lahaa tartankan ayaa sidoo kale laga badelay 15 June ilaa 13 July iyadoo laga dhigay taariikhda kore si ay nasiino u helaan ciyaartoyda kaddib bisha barakaysan ee Ramadaan.

Bisha Ramadaan ayaa bilaaban doonta bilowga bisha May waxa ayna socon doontaa ilaa bilowga bisha Juun.

Sidey dalalku tartanka hadda ka hor uga soo muuqdeen?

Tartanka waxaa ka qeyb qaadanaya 24 kooxood iyadoo tiro lagu kordhiyay 16 kooxood ee ka qeyb qaatay koobkii lagu qabtay Gabon 2017.

Saddex dal ayaa ku cusub Koobka Qaramada Afrika kuwaas oo kala ah Burundi, Madagascar iyo Mauritania.

Dalka tartankan martigalinaya ee Masar ayaa ah kan ugu guusha badan maadaama uu ku guulaystay todoba jeer, iyadoo markii ugu dambaysay ay ku guulaysatay 2010.

Cameroon oo haysata koobkan loo tartamaya ayaa ku guulaysatay shan jeer, haatan xulkaasi waxaa tababare u ah Clarence Seedorf, kaas oo danaynaya inuu koobka difaaco.

Kooxaha u soo baxay Afcon 2019
Kooxda Inta jeer ee ay tartan ka qeyb qaadatay kooxdu Heerka ay tartanka ka gaartay
Aljeeriya 18 jeer Koobka ayey ku guulaysatay (1990)
Angola 8 jeer Heerka kala baxa (2008, 2010)
Benin 4 jeer Heerka Groupyada (2004, 2008, 2010)
Burundi Waa markii ugu horreysay Tartanka ayey cusub tahay
Cameroon 19 jeer Koobka ayey ku guulaysatay (1984, 1988, 2000, 2002, 2017)
DR Congo 19 jeer Koobka ayey ku guulaysatay (1968, 1974)
Masar 24 jeer Koobka ayey ku guulaysatay (1957, 1959, 1986, 1998, 2006, 2008, 2010)
Ghana 22 jeer Koobka ayey ku guulaysatay (1963, 1965, 1978, 1982)
Guinea 12 jeer Kaalinta labaad ayey gashay (1976)
Guinea-Bissau 2 jeer Heerka Groupyada (2017)
Ivory Coast 23 jeer Koobka ayey ku guulaysatay (1992, 2015)
Kenya 6 jeer Heerka Groupyada (1972, 1988, 1990, 1992, 2004)
Madagascar Waa markii ugu horreysay Tartanka ayey cusub tahay
Mali 11 jeer Kaalinta labaad ayey gashay (1972)
Mauritania Waa markii ugu horreysay Tartanka ayey cusub tahay
Morocco 17 jeer Koobka ayey ku guulaysatay (1976)
Namibia 3 jeer Heerka Groupyada (1998, 2008)
Nigeria 18 jeer Koobka ayey ku guulaysatay (1980, 1994, 2013)
Senegal 15 jeer Kaalinta labaad ayey gashay (2002)
South Africa 10 jeer Koobka ayey ku guulaysatay (1996)
Tanzania 2 jeer Heerka Groupyada (1980)
Tunisia 19 jeer Koobka ayey ku guulaysatay (2004)
Uganda 7 jeer Kaalinta labaad ayey gashay (1978)
Zimbabwe 4 jeer Heerka Groupyada (2004, 2006, 2017)

Waa kuwama ciyaartoyda Horyaalka Ingiriiska ka dheesha ee ay suuragalka tahay inay Masar tagaan?

Masar: Mohamed Salah (Liverpool), Mohamed Elneny (Arsenal)

Senegal: Sadio Mane (Liverpool), Idrissa Gueye (Everton), Cheikhou Kouyate (Crystal Palace)

Morocco: Romain Saiss (Wolves)

Nigeria: Alex Iwobi (Arsenal), Wilfred Ndidi (Leicester)

Aljeeriya: Riyad Mahrez (Man City)

Ivory Coast: Serge Aurier (Tottenham), Eric Bailly (Man Utd), Jean Michael Seri (Fulham), Wilfried Zaha (Crystal Palace)

Kenya: Victor Wanyama (Tottenham)

Ghana: Christian Atsu (Newcastle), Jeffrey Schlupp (Crystal Palace), Jordan Ayew (Crystal Palace)

Cameroon: Gaetong Bong (Brighton), Andre-Frank Zambo Anguissa (Fulham)

DR Congo: Arthur Masuaku (West Ham)

Benin: Steve Mounie (Huddersfield)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here