Qaramada midoobay oo walaac ka muujisay dad rayid ah oo milatariga Myanmar ku dileen gobolka Rakhine

0
466

Qaramada midoobay oo walaac ka muujisay dad rayid ah oo milatariga Myanmar ku dileen gobolka Rakhine

Xafiiska qaramada midoobay u qaabilsan xuquuqda aadanaha oo loo yaqaan (OHCHR) ayaa sheegay in uu ka cabsi qabo in tiro dad rayid ah oo u dhashay qowmiyada Rohingya lagu dilay weerar milatariga Myanmar ka geestay todobaadkii hore gobolka Rakhine.

Arintaan ayaa imaaneysa iyadoo sargaal ka tirsan dowlada uu sheegay in lix qof oo kaliya ay tahay tirada ku dhimatay howlgalada milatariga Sameeyeen.

Waxaan hada wadnaa sidii aan ku ogaan laheyn tirada rasmiga ah ee dadka geeriyooda,waxaana sii kordhaya tirada aan la hubin ee lagu dilay oo gaareysa 30 qof sidaasi waxaa sheegtay afhayeenka qaramada midoobay ee xuquuqda aadanaha Ravina Shamdasani.

Maalintii jimcaha ayey aheyd markii wargeys-ka Myawady uu tabiyay in lix dagaalyahan la dilay halka 9 kalena lagu dhaawacay weerar uu milatariga ku qaaday gobolka Rakhine.

Saraakiil u hadashay Myanmar ayaa sheegay in xubnaha la dilay ay ka mid ahaayeen dagaal yahanada Arakan ee ku sugan magaalada Buthidaung.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here