Shaqaale ka tirsan Wasaarada Maaliyada Puntland oo musuqmaasuq loo xirey

0
645

Shaqaale ka tirsan Wasaarada Maaliyada Puntland oo musuqmaasuq loo xirey

Xukuumadda cusub ee Maamul Goboleedka Puntland ayaa markii u horeysay sheegtay in qaar ka mid ah shaqaalaha Puntland loo xiray arrimo la xiriira musuq maasuq.

Wasiirka Maaliyadda Maamulka Puntland Xasan Shire Cabdi ayaa maanta magaalada Boosaaso ka sheegay in ay jiraan shaqaale ka tirsan wasaaraddiisa oo loo xiray musuq maasuq isagoo xusay in maxkamad la horgeyn doono dadkaasi ku eedaysan musuq maasuqa.

Balse Wasiirka ayaan faahfaahin tirada shaqaalaha loo haysto musuq-maasuqa iyo xarumaha ay ka hawlgelayeen.

Sidoo kale guddoomiyaha degmada Qandala ee gobolka Bari Yuusuf Qixiye Ciise ayaa warbaahintu u xaqiijiyay in la xiray madaxii kastamka canshuuraha degmadaasi Qandala isagoo lagu eedeeyay inuu ku kacay musuq maasuq.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here