Madaxweynaha Puntland oo dib ugu laabtay Garoowe isagoo la kulmay safiirka dalka Jarmalka ee Soomaaliya.

0
515

Madaxweynaha Puntland oo dib ugu laabtay Garoowe isagoo la kulmay safiirka dalka Jarmalka ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni AYAA shalay galab qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay wefti balaadhan oo ay hogaaminaysey safiirka dalka Jarmalka ee Soomaaliya Ambassador Annett Günther.

Kulanka ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga Ah Cabdiqafaar Cilmi Xaange, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Fadaraalka iyo Dimuquraadiyaynta Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Jaamac Faarax Xasan iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland Maxamed Cabdiladiif Yuusuf.

Madaxweynaha Puntland ayaa ugu horayn Puntland kusoo dhoweeyey safiirka dalka Jarmalka ee Soomaaliya Ambassador Annett Günther iyo weftiga balaadhan ee ay hogaaminaysey, waxaana uu Madaxweynuhu tilmaamay in safarka safiiraddu yahay socdaalkeedii ugu horeeyey ee ay ku tagto meel ka baxsan Muqdisho.

“Waxaa maanta sharaf weyn noo ahayd in safiiradda dalka Jarmalka, ku-xigeenkeeda iyo waftiga balaadhan oo wehelinayey yimaadaan Garoowe, waxaan aad ugu faraxsanahay Safiirada oo markii ugu horeysey meel ka baxsan Muqdisho safar ay ku timaado noqotay Garoowe, waxay muujinaysaa in xiriir ka Soomaaliya iyo Jarmalka, gaar ahaan Puntland uu sii xoogaysanayo,”

“Waxaan uga mahadcelinaynaa waxyaabihii hore ee ay soo qabteen dalka Jarmalka oo Soomaaliya taariikh weyn ku leh, mudooyinkii ay Soomaaliya xuriyadda qaadatay ilaa hada dhinacyo badan ay iska soo garab istaageen hadana ay rabaan in ay waxbadan qabtaan” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here