Madaxweyne Trump: “Ilhan Omar Ma Jeceshahay Israel,?

0
569

Madaxweyne Trump: “Ilhan Omar Ma Jeceshahay Israel,?

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa muujiyay markale sida ay culeyska ugu noqotay hadalada xildhibaanada laga soo doortay Minnesota Ilhan Omar,isagoo qudbad ka jeediyay magaalada Las Vegas.

Trump oo la hadlayay dadka Yuhuuda ee isbahaysiga la leh xisbiga Jamhuuriga ayaa qudbad muddo saacad ah qaadatay ka jeediyay waxa uu ku tilmaamay xisbiga Dimuqraadiga inuu yahay xisbi neceb dadka Yuhuuda ah.

Waxa uu qudbadiisa ku sheegay Trump hadalo jees jees ah oo uu si gaar ah ugu durayay Ilhan Cumar oo xubin ka ah Congresska Maraykanka kana tirsan xisbiga Dimuqraadiga.

“Waxaan u mahadcelinayaa xildhibaanada waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa Ilhan Cumar,Oh,Waan iloobay ma jecla iyada Israel, ma jeceshahay Israel Ilhan? fadlan waan ka cudurdaaranayaa.”ayuu yiri Trump.

Hadalkan ka soo yeeray Madaxweynaha Maraykanka ayaa imanaya maalin kadib markii la xirey nin magaciisa lagu sheegay Patrick W. Carlineo oo ugu hanjabay Ilhan Cumar inuu dilayo isagoo ku eedeeyay inay tahay argagaxiso.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa intii uu xukunka dalkiisa hayay waxa uu ku dhaqaaqay tallaabooyin uu ku taageerayo Israel,isagoo u aqoonsaday magaalada Qudus inay tahay caasimada Israel sidoo kalana u aqoonsaday Buuraha Golan dhul ay Yuhuudu leedahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here