Unicef oo walaac ka muujisay cudurka daacuunka iyo duumada oo ka dilaacay Mozambique

0
602

Hey,adaha gargaarka ayaa walaac ka muujinaya badqabka shacabka ku barakacay duufaanta Idai oo sideed maalin ka hor ku dhufatay dalka Mozambique waxaana la soo tabinayaa in kiisas la xiriira cudur-ka Daacuun caloolaha uu ka dilaacay magaalada dekeda ah ee Beira.

Digniinta sabtida maanta ah ayaa ku soo aadeysa iyadoo dowlada Mozambica ay sheegtay in dhimashada ay gaartay 417 oo qof halka wali dad badan ay maqan yihiin.

Henrietta Fore oo ah madaxa hey,ada qaramada midoobay u qaabilsan dhanka caruurta ayaa sheegtay in ay adagtahay isticmaalka biyaha maadama ay ku dhex milmeen meydad ka dadkii ku dhintay duufaanta.

Waxay sheegtay hawada oo aan wanaagsaneyn in caruur badan ay halis caafimaad oo la xiriirta cudurada biyaha ku dhasha ee duumaada iyo daacuunka ay wajahayaan hadii aan laga Hortagin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here