DEG DEG : Wasiirka Warfaafinta Somaliland Guri Barwaaqo oo  Maanta Maxkamad Lasoo Taagayo musuq maasuq lagu eedeeyey

0
1364

DEG DEG : Wasiirka Warfaafinta Somaliland Guri Barwaaqo oo  Maanta Maxkamad Lasoo Taagayo musuq maasuq lagu eedeeyey

Sida wararku sheegayaan Wasiir Guri Barwaaqo ayaa maanta tagaya maxkamada magaalada Hargeysa oo la geeyay eedaha loo heysto ee ah wax is daba marinta, wuxuuna xilkiisa si KMG-ah ugu dhiibay Kuxigeenkiisa Maxamed Muuse Abees.

Hanti-dhowraha Guud ee Somaliland, ayaa isagu ku adkeystay in la soo xiro Wasiirka Warfaafinta Somaliland, isagoo xabsiga ay uga sii horeeyeen Agaasimaha waaxda maamulka iyo lacagta.

Si kastaba, Hantidhowrka guud ee Somaliland ayaa soo gaba gabeeyay baaris uu ku hayay wasaaradaha qaar ee Somaliland,waxaana la sheegayaa in Hantidhowrku ay musuq ku heleen Hay’adaha dowladda qaar oo haatan xiritaankoodu bilowday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here