LAYAAB: Shimbir lagu kala iibsaday malaayiin doolar

0
598

LAYAAB: Shimbir lagu kala iibsaday malaayiin doolar

Shimbirtan oo taariikhda gashay ayaa lagu iibsaday lacag gaaraysa 1.42 milyan oo doolar.

Ol’ole xaraash ah oo tartan loo galay ayey dad badan oo maalqabeenno ah ku doonayeen iney ku iibsadaan shimbirtan.

Qiimihii ugu horreeyay ee lagu soo beec geeyay ayaa ahaa 321 kun oo doolar, hase yeeshe tirada ayaa isbadashay ka dib markii uu yimid qof diyaar u ah inuu bixiyo qarashkan.

Shimbirtan ayaa sannadkan waxay da’deeda noqoneysaa 5 sano.

“Waa dareen cajiib ah, waa wax adduunka ka baxsan,” Ayuu yidhi Nikolaas Gyselbrecht, oo ah madaxa shirkadda PIPA oo ka ganacsata shimbiraha.

“Kuma aanan riyoonin abid in qiimaha noocan ah ay gaari doonto . Waxaan rajaynayay oo kaliya ku dhawaad 400 kun oo doolar.”

 

.Lahaanshaha sawirkaPIPA

Mr Gyselbrecht ayaa sheegay in laba qof oo doonayay inay iibsadaan ay ka soo jeedaan dalka Shiinaha.

Balse shimbirtan ma’ahan mid nooceeda uu yahay mid la helo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here