Ciidamada la dagaalanka Argagixisada Kenya oo dhalinyaro soomaali ah kala degay gaari ku sii jeeda Dhadhaab

0
687

Ciidamada la dagaalanka Argagixisada Kenya oo dhalinyaro soomaali ah kala degay gaari ku sii jeeda Dhadhaab

Ciidamada la dagaalanka argagixisada ee loo yaqaan ATPU-da ee ismaamulka Garissa ayaa xabsiga dhigay 7 ruux oo soomaali ah kuwaasi oo lagala degay gaari Bus ah oo ku sii jeeday xeryaha qaxootiga Dadaab.

Todobadaan ruux oo u badnaa dhalinyaro isugu jira rag iyo dumar ayaa qaarkood heestay dhalashada dalka Kenya sida uu mid ka mid u sheegay Tv-ga Universal.

Dadkaan ayaa wax laga weydiiyay sababta keentay in ay u safraan xeryaha qaxootiga maadaama ay yihiin muwaadiniin Kenyan ah halka kuwa kale loo watay xarumaha ay ciidanka ku leeyihiin ismaamulka Garissa.

Arintaan ayaa imaaneysa iyadoo mudanayaasha baarlamaanka ee gobolka waqooyi bari Kenya ay ku dhaliileen ciidamada argagixiso la dirir ka Kenya lagu dhaliilay in ay dad badan ay dileen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here