Xiisadda dagaalka ee Pakistan iyo Hindiya oo loo tiiriyay olole doorasho

0
797

Xiisadda dagaalka ee Pakistan iyo Hindiya oo loo tiiriyay olole doorasho

Siyaasiyiinta ayaa la sheegaa inta badan iney runta sheegin, haddii ay sheegaanna waxaa mararka qaar dhacda iney guul darro ka dhaxlaan.

Toddobaadki hore xisbiga hoggaamiya talada dalka Hindiya ee ay leeyihiin dadka Hinduuga ayaa sheegay xisbiga BJP inuu dhab ahaan uu arrintaasi u sameeyey isla-markaana qirtay. BS Yeddyurappa oo ka tirsan xisbiga ayaa sheegay xiisadda ka dhex taagan Hindiya iyo Pakistaan iney xisbigiisu ka caawineyso inuu kuraas badan ku guuleysto doorashada guud ee dhawaan dalkaasi ka dhici doonto.

Hadalka ka soo yeeray Mr Yeddyurappa, oo ah wasiir hore oo ka tirsanaa gobolka karanataka uuna u yiri si ula kac ah, ayaa waxaa markiba qaatay xisbiyada mucaaradka. Waxayna sheegeen hadalkaasi inuu caddeyn u yahay xisbiga ra’isal wasaaraha Hindiya Narendra Modi uu si ula kac ah uu u huriyey xiisadda ka dhex taagan labada dal ee ku hubeysan hubka niyuukilarka ee cadaawadda ka dhaxeyso xilli ay doorashada guud ee dalkaasi ka dhaceyso ay ka harsan tahay bil oo keli ah.

Mr Modi wuxuu arrintan u sameeynayana waxay ku sheegeen inuu doonayo xisbigiisu inuu fursad uu u helo in mar labaad uu ku guuleysto hoggaaminta dalka Hindiya.

Hadalka Yeddyurappa ka soo yeeray xitaa wuxuu la yaab uu ku noqday xisbigiisa BJP. Wasiirka Federaalka VK Singh oo war murtiyeed soo saaray ayaa sheegay, go’aanka xukumadda Delhi ay ku gaartay in Pakistaan weerar dhinaca cirka ah lagu qaado ay ahayd “mid lagu badbaadinayo qaranka isla-markaana lagu badbaadinayo amniga muwaaddiniinta Hindiya, balse ma ahayn ayuu yiri mid lagu doonayey in kuraas siyaasadeed lagu helo.

Iyada oo xiisadda ka dhex taagan Hindiya iyo Pakistaan oo toddobaadki hore meel xun gaaray, Mr Modi wuxuu weli iska sii wataa howlahiisa caadiga ahaa. Saacado kaddib marki ay Hindiya weerar ku qaadday deegaanka Balakot ee dalka Pakistan, wuxuu shir doorashada looga hadlayey uu ka sheegay “wixi hadda ka dambeeya iney argagixisadu sida ay doonaan wax u sameeyn karin”.

Maalinti xigtayna Paakistaan ayaa aargoosatay isla-markaana qabatay duuliye Hindiya u dhashay oo ka badbaaday diyaarad la soo riday. Laba maalmood kaddibna Pakistan duuliyihi ay qabatay waxay u celisay Hindiya.

Dad reer Hindiya ah ayaa u dabbaal degay weerarka ay Hindiya ku qaadday PakistaanLahaanshaha sawirkaEPA
Image captionDad reer Hindiya ah ayaa u dabbaal degay weerarka ay Hindiya ku qaadday Pakistaan

Intaa kaddib Mr Modi wuxuu kulan ay saaynisyahhanada Hindiya isugu yimaaddeen uu ka sheegay weerarka dhinaca cirka ee lagu qaaday Pakistaan inuu ahaa “mid tijaaba ah” isaga oo iftiimiyey iney tallaabbooyin kale soo socdaan.

Madaxa xisbiga Amit Shah ayaa isna sheegay iney weerarka dhinaca cirka ee ay ka fuliyeen Balakot ee dalka Paakistaan iney ku dileen 250 dableey oo ka tirsan kooxa halkaasi ka dagaallama.

Sawirka saameynta iyo hadal haynta ugu badan ay ka dhalatay ayaa noqday marki la soo saaray sawir Mr Modi laga qaaday isaga oo qori gacanta ku sita taasoo loo macneeyey inuu dagaal diyaar uu u yahay dalkiisa.

 

Mr Modi ayaa xisbiyada mucaaradka ku eedeeyey xiisadda labada dal ka taagan iney siyaasadeeyeen. Xisbiyada mucaaradkana waxay sheegeen inuu Mr Modi hadal horay uga soo yeeray uu dafirayo. Waxayna sheegeen inuu toddobaadki hore soo saaray bayaan qoraal ah uuna ku sheegay “amniga guud ee qaranka ay uga gudbaan tixgelin siyaasadeed oo aad u kooban”.

‘Siyaasadda maldahan ee la ciyaarayo’

Waxaa isweydiin mudan xiisadda wakhti xaadirkan taagan iney Modi u horseedi karto inuu codad dheeri ah uu ku helo? Si kale haddii loo dhigana amniga qaranka ma lagu dabbaqi karaa olole doorasho?

Dad badan ayaa aaminsan inuu ra’isal wasaaraha Hindiya inuu amniga qaranka uu u adeegsanayo ololahiisa doorashada mid uu ugu soo gabbado. Qaraxi ismiidaaminta ee bishi hore ka dhacay Hindiya ee lagu eedeeyey koox fadhigeedu yahay Paakistaan waxaa ku dhintay 40 ka mid ah booliska sida milatariga u tababaran ee Hindiya, wuxuuna Modi uu baadi goobayaa sidi uu dib uga soo ceshan lahaa codadka uu ku waayey seddex gobol oo xisbigiisa lagaga guuleystay oo ku yaalla waqooyiga dalka.

Haddaba, dad badan ayaa iyaguna aaminsan iney ay ididiila wanaagsan u abuureyso Mr Modi isaga oo sabab ka dhiganayo inuu difaacayo qaranimada iyo xudduudaha uu leeyahay dalkiisa. Arrintan oo lagu tilmaamay isku daygi ugu xumaa oo loo adeegsado in dagaal loo adeegsado guul doorasho in lagu gaaro.

Balse waxaan la saadaalin karin iney arrintaasi noqon doonto mid lagu guuleysto iyo inkale ayuu yiri siyaasiga Yogendra Yadav.

 

Ashutosh Varshney, oo ah aqoonyahan ku takhasusay siyaasadda oo wax ka dhigo jaamacadda Brown ee dalka Mareykanka wuxuu sheegay “Xaaladda amni ee qaranka Hindiya markeedi horaba aad ayey uga fogeyd in loo adeegsada olole doorasha qaran.”

Xisbiga BJP oo ololihiisa doorashada ku soo darsaday sawir muujinaya Mr Modi oo qori gacanta ku hayaLahaanshaha sawirkaAFP
Image captionXisbiga BJP oo ololihiisa doorashada ku soo darsaday sawir muujinaya Mr Modi oo qori gacanta ku haya

Dagaalki 1962-kii ee Shiinaha iyo Hindiya u dhexeeyeey iyo kii 1971-kii dhacay ee u dhaxeeyey Paakistaan iyo Hindiya waxay labadaasi dagaalba dhaceen doorashada guud ee dalkaasi markay dhacday kaddib. Weerarki 2001-dii lagu qaaday baarlamaanka Hindiya waxaa haddana labada dal ka dhex dhacay dagaal laba sano kaddib markay doorashada dhacday.

Weerarki Mumbai ee dhacay 2008-dda ayaa wuxuu isna dhacay 5-ta bilood ka hor inta aan la gaarin doorashada 2009-ka dalkaasi ka dhacday xisbiga talada hayana wuxuu doorashada ku guuleystay iyada oo ay jirin wax amni darra ah uu xilligaasi soo hadal qaaday.

Hase yeeshee, xisbiyada mucaaradka ayaa waxay leeyihiin Modi sida uu wax ay ugu meel maraan isaga oo marwalba amniga waddanka ku soo dhuumanaya iyagana ay ku faraxsan yihiin iney sheedda ka fiirsadaan.

Waxayse welwel ka muujiyeen xataa haddii ay soo afjaranto xiisadda labada dal oo ay dhibaato kale dhicin iney dhici karto gobollada waqooyiga qaarkood iney Xisbiga BJP guul ka soo raacdo. Balse siyaasadda dabeecaddeeda ayaa waxay ka dhigeysaa toddobaadkuba inuu u yahay wakhti aad u badan wax badanna isku beddeli karaan oo aan la sii saadaalin karin waxa dhici doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here