Gaadhiga Ugu Xawaaraha Dheer Adduunka Oo Lasoo Saaray

0
886

Gaadhiga Ugu Xawaaraha Dheer Adduunka Oo Lasoo Saaray

Kani waa gaariga ugu awoodda badan ee baabuurta loo sharciyeeyay iney ku socdaan waddooyinka, waana kii ugu horreeyay ee xawaarahaas leh oo Talyaaniga kasoo baxa. Marka ay baabuurta kula tartameysa ku jiraan noocyada kala ah Ferrari iyo Lamborghini, waxay kuu tahay sharaf gaar ah.

Gaarigan oo ku shaqeeya koronto, wuxuu xitaa noqon karaa midka ugu orodka dheer guud ahaan baabuurta ku socota dunida, inkastoo marka baabuurta laga hadlayo ay yihiin kuwa ku shaqeeya batariga (uu meesha ka baxayo magaca gaariga loo yaqaanno supercar, noocuu doonaba ha ahaadee).

Shirkadda baabuurta sameysa ee lagu magacaabo Pininfarina Battista ayaa dhawaan magaalada Geneva kusoo bandhigtay gaari aan noociisa horay loo soo farsameynin, waana mid dhammaantiis koronto ku shaqeeya.

 

Gaarigan marka uu socdo wuxuu xawaaraha saacaddiisu gaari karaa ilaa 250m saacaddiiba.

Cabirkaas ayaa orodka gaarigan ka dhigaya mid aad u dheereeya, isagoo tamartana gabi ahaanba ka helaya qulqulka korontada.

Awoodda fariinkiisa ayaa u dhiganta labo jibaar awoodda gaadiidka caadiga ah ee hadda ugu sarreeya sida midka ay sameyso shirkadda Ford Fiesta, kaasoo ah gaariga loogu gadashada badan yahay gudaha dalka Britain.

Michael Perschke oo ah madaxa shirkadda soo saartay gaarigan ee la yiraahdo Automobili Pininfarina ayaa yidhi: “Awoodiisu waa mid waalli ah, gaarigan wuxuu leeyahay bandhig heer sare ah wuxuuna ku shaqeeya awoodda korontada”.

Ma aha gaarigii ugu horreeyay ee batari ku shaqeeya oo loo soo saaray dunida.

Horay waxaa magaalada Geneva loogu soo bandhigay gawaari noocan ah balse ka xawaare hooseeya.

Shirkadda Rimac ayaa horay Geneva ugu soo bandhigtay gaari ku shaqeeya KorontoLahaanshaha sawirkaRIMAC
Image captionShirkadda Rimac ayaa horay Geneva ugu soo bandhigtay gaari ku shaqeeya Koronto

Waxaa ka mid ahaa 2 nooc oo ay soo saartay shirkadda Rimac iyo mid ay soo saartay shirkadda kale ee lagu magacaabo Tesla.

Waa mid xawaare dheer, raaxo ah oo cusub

Wax shaki ah kuma jiro in bandhiga gawaarida ee isbuucan ka dhacay Geneva lagu muujiyay gawaari aan horay loo isticmaalin.

Ma aha markii ugu horreysay ee lasoo saaro gawaari xawaare dheereeyaLahaanshaha sawirkaKOENIGSEGG
Image captionMa aha markii ugu horreysay ee lasoo saaro gawaari xawaare dheereeya

Gaarigan ay lasoo shir tagtay shirkadda Automobili Pininfarina ayaa ah mid hal sano oo kaliya sameysan, tijaabadii lagu sameeyayna ay guuleysatay.

Marka laga soo tago xawaarihiisa, waa gaari nooca raaxada ah oo aad loo qalabeeyay.

Shirkaddan ayaa horay ugu caan baxday soo saarista baabuur soo jiitay indhaha caalamka, kuwaasoo dad badan ay daneeyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here