Culimada Gaalkacyo oo si kulul uga hadlay kufsi iyo dil loo geestay gabar yar

0
680

Culimada Puntland ayaa si kulul uga hadlay gabar shalay lagu afduubtay magaalada gaalkacyo taasi oo ugu danbeyn iyadoo la kufsaday oo meyd ah maanta laga helay meel aan sidaa uga fogeyn gurigooda oo ku yaal magaalada.

Qaar ka mid ah culimada magaalada oo ka hadlay masaajida ayaa sheegay in arintaan ay tahay fal aad looga xumaado waxaana ay ugu baaqeen dadweynaha in ay gacan weyn ka siiyaan laamaha amniga ee magaalada sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa kuwii ka danbeeyay.

Gabadha la helay meydkeeda iyada oo la kufsaday ayaa ehelkeeda waxay aad uga naxeen falkaan kadib saacado ay baadi goob ugu jireen gabadhaan oo da.deeda lagu qiyaasay 12 sano.

Dhanka kale culimada ayaa meesha ka saaray in arimahaan oo kale lagu dhameeyo qaab dhaqan ayna taageersaneyn.

Waxay sheegeen in wax laga xumaado ay tahay in falalka ceynkani oo kale ay ku soo noqdaan Puntland sanadihii ugu danbeeyay.

Ma ahan markii ugu horeysay oo fal ceynkani oo kale ah ay ka dhacaan magaalada Gaalkacyo iyo guud ahaan deegaanada Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here