Netanyahu oo si adag uga falceliyey hubka uu ka xanibay Mareykanka

0
12

Raisal Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu oo ka falcelinayey tallaabadii Mareykanku hubka uga joojiyay dhawaan ayaa sheegay in Israa’iil, ay kaligeed is difaaci doonto oo aaney cid u baahneyn.

Wuxuu sheegay in Israa’iil wax walba ku dagaalameyso ayna awooddo in ay iska difaacdo Xamaas.

Netanyahu ayaa wacad ku maray inay sii wadayaan howgallada Qasa, xilli hay’adaha gargaarku ka dayrinayaan xaaladda oo ay la’yihiin waddo gargaarka loo marsiiyo dadka dhibaateysan.

Hadalka Raisal Wasaaraha Israa’iil ayaa ku soo aadaya maalin kadib markii madaxweyne Biden uu sheegay in dalkiisu Israa’iil ka hakiyay shixnad hub ah sababo la xiriira baqdin laga qabo in Israa’iil u adeegsato duullaanka ay qorsheynayso in ay ku qaaddo Marinka Rafax.

Go’aankan ayaa lagu sheegay inuu sare u qaadayo khilaafka Mareykanka iyo Netanyahu oo dhankiisa ku adkaysanaya inay si dhammaystiran ugu duuli doonaan Rafah oo ah halka u dambeysa ee Falastiiniyiinta ay gabaad ka dhigteen, xilligana ay gudaha u galeen taangiyada Israa’iil, halka diyaaradaha ay joogteeyeen duqeynta ay ka gaysanayaan.

Saraakiisha Israa’iil, ayaa dhanka kale laga soo xigtay haddii Mareykanka uu ku adkaysto joojinta bambooyinka la hago iyo hubka kale ee uu ka xannibay inay ku qasbannaan doonaan adeegsiga bambooyinka Dumb Bombs ee mamnuuca ah in lagu riddo goobaha rayidka.

Bambada Dumb Bombs, looma oggala in lagu rido goobaha ay rayidku degganyihiin, sababto ah ma aha bambo la hagi karo, taa oo gaysata burbur aan qiyaas lahayn , isku darka dhowr bambo oo nooca Dumb Bombs, ayaa ku soo dhawaanaya heer gaarsiisan nukliyeerka oo ah hubka ugu halista badan ee bani’aadamku haysto.