Mid ka mid Wasiirada cusub ee Madaxweynaha Koonfur Galbeed magacaabay oo iscasilay

0
727

Mid ka mid Wasiirada cusub ee Madaxweynaha Koonfur Galbeed magacaabay oo iscasilay

Mid ka mid Wasiiradii Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen uu magacaabay ayaa iska casilay xilkii loo magacaabay.

Cabdi Salaam Cabdullaahi Yalaxoow (Catoosh) oo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gaeen u magacaabay Wasiir ku xigeenka Wasaarada Gaadiidka dhulka iyo Cirka ayaa ku dhawaaqay in uu xilkaa iska casilay.

Sababta uu isku casilay Wasiirkaan ayaa wuxuu ku sheegay in beeshiisa aysan u qalmin xilka loo magacaabay, islamarkaana arrintaasi aaney aqbaleyn.

Cabdi Salaan Cabdulaahi oo sidoo kale ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay inay soo saari doonaan go,aanka arrintaan la xiriira.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa shalay soo dhameystiray liiska xubnaha Golaha Wasiirada Maamulka Koonfur Galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here