Midowga Yurub oo ku daray Sacuudiga liiska wadamada dhaqa lacagta madow

0
789

Midowga Yurub oo ku daray Sacuudiga liiska wadamada dhaqa lacagta madow

Midowga Yurub ayaa 7 dal oo ay ku jiraan Sacuudiga, Panama iyo Nigeria ku daray liiska madow ee wadamada loo arko inay khatar ku tahay, sababo la xiriira dhaqida lacagta madow iyo maalgelinta  Argagixisada sida uu sheegay Guddiga Fulinta Midowga Yurub.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah xakameynta lacagaha la dhaqay, kaddib markii dhowr jeer oo hore ay fadeexado hareeyeen Bangiyada Midowga Yurub.

Xukuumadda Sacuudiga ayaa sheegtay inay aad uga xun tahay go’aanka, sida ay shaacisay wakaalada wararka ee Sacuudiga, waxaa uu intaa ku daray in Sacuudiga uu mudnaan gaar u leeyahay ka hortagga lacagaha la dhaqay iyo maalgelinta argagixisada

Waxaa loo arkaa in arrintan ay waxyeelo u geysanayo sumcada wadamadaas, waxaana ay caqabad ku noqon kartaa xiriirka dhaqaale ee Midowga Yurub la leeyahay dalalkaas, sida Sacuudiga.

UK ayaa walaac ka muujisay warbixintan, gaar ahaan xiriirka dhaqaale ee ay la leeyihiin Sacuudi Carabiya.

28-ka xubnood ee Midowga Yurub ayaa la filayaa inay go’aan kama dambeys ka gaaraan, waxayna heystaan muddo bil ah oo lagu kordhin karo labo bil, si ay u ansixiyaan Liiska ama ay u diidaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here