Madaxweynaha dalka Uganda oo lagu wado inuu yimaado Muqdisho

0
641

Madaxweynaha dalka Uganda oo lagu wado inuu yimaado Muqdisho

Sida ay baahisay Madaxtooyadda dalka Uganda waxaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho uu yimaado Madaxweynaha dalkaasi Uganda.

Yuweri Musavani Madaxweynaha dalka Uganda ayaa imaanshihiisa Magaalada Muqdisho lagu sheegay inuu casuumaad rasmi ah ka helay dhigiisa Somaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Labada Madaxweyne ayaa isku arkay kulankii Midowga Afrika ee Magaalada Addis Ababa halkaasi oo Madaxweynaha Uganda uu Madaxweyne Farmaajo ugu sheegay inuu dhisto Ciidan maleeshiyo ah oo laba sano kadib isku bedeli doona Ciidan Qaran.

Ujeedada loo casuumay Madaxweynaha dalka Uganda ayaa la sheegayaa inay tahay inuu arko horumarada kala duwan ee ka jira gudaha dalka ee dhanka ammaanka & tayada Ciidanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here