Xeer illaalinta maxkamadda Ciidamada oo sheegtay si qarsoodi ah hubka Ciidamada in suuqyada loogu iibiyo

0
592

Xeer illaalinta maxkamadda Ciidamada oo sheegtay si qarsoodi ah hubka Ciidamada in suuqyada loogu iibiyo

Xeer ilaalinta maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Somaliya ayaa sheegtay hubka Ciidanka Somaliya si qarsoodi ah in loogu iibiyo Suuqyada hubka qarsoodiga ah lagu iibiyo ee Muqdisho.

G/Sare C/llaahi Buule Kamey oo ah Xeer ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo Suxufiyiinta kula hadlay Magaalada Muqdisho, ayaa hubka Ciidanka si qarsoodi ah suuqyada in loogu iibiyo.

Wuxuu sheegay kiisaska ugu badan ee maxkamadda Ciidamada Qalabka sida la hor keeno inay yihiin kuwa ka dhashay hubka Ciidamada oo falal kala duwan oo tacadi ah lagu gaysto.

“Waxaa jira in kiisaska la horkeeno maxkamadda Ciidamada qalabka sida intooda badan hubka lagu galo dambiyada ay yihiin hubka Ciidamada qalabka sida oo leh astaantii Ciidamada Qalabka sida ama Shaabadii, iyadoo si qarsoodi ah hubka Ciidamada Qalabka sida loogu iibiyo Suuqyada sharcidarada ah ee Cirtoogtayaasha.” Ayuu yiri Xeer ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida

Xeer ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa sidoo kale sheegay inay jiraan hub badan oo guryaha lagu dhex haysto oo qaarkood ay haystaan shaqsiyaad aanan ka tirsaneyn Ciidamada Dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here