Mareykanka oo ugu baaqay milatariga Venezuela in ay iska indha tiraan xukunka Maduro

0
543

Mareykanka oo ugu baaqay milatariga Venezuela in ay iska indha tiraan xukunka Maduro

Milatariga Venezuela ayaa loogu baaqay in ay taageeraan dibadbaxyada xoogan ay mucaaradka uga soo horjeedaan dowlada lana saftaan dadka shacabka ee aan xiligaan dooneyn in ay ku sii hoos noolaadaan xukunka madaxweyne Nicolas Maduro.

La taliyaha dhanka amaanka ayaa aad u soo Dhaweeyay talaabadii shalay uu qaaday sargaal sare oo k tirsan ciidanka Milatariga oo lagu magacaabo Genaral Yanez kaasi oo sheegay in uusan ku shaqeyn doonin amarka Maduro.

Yanes ayaa intaa raaciyay in boqolkiiba sagaashan ay ciidanka dooneyn hogaamiyaha haya talada maadaama ay sii kordheyso mucaaradada uu kala kulmayo shqcabka.

John Bolton ayaa qoraal uu soo dhigay barta bulshada gaar ahaan Twitter-ka waxaa uu ugu baaqay saraakiisha kale ee ciidanka in ay raacaan talaabada uu qaaday Yanez, ayna taageeraan hogaamiyaha mucaaradka Juan Guaido.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here