Dibadbaxyada looga soo horjeedo xukuumada Al-Bashiir oo ku sii baahaya Suudaan

0
731

Dibadbaxyada looga soo horjeedo xukuumada Al-Bashiir oo ku sii baahaya Suudaan

Ciidamada Amniga suudaan ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa u adeegsaday dad dibad bax xoogan ka dhigayay magaalada Kassala ee bariga Suudaan.

Mid ka mid ah dadka goob jooga ahaa ayaa sheegay in banaanbaxaan uu ahaa kii ugu xooganaa ee looga soo horjeedo madaxweyne Al Bashiir oo xukunka haya mudo ku dhow sodon sano.

Waa markii ugu horeeyay oo dibadbaxyo xoogan ay ka dhacaan magaalada Kassala oo u dhow xadka suudaan uu la wadaago Eritrea.

Mucaarada xukuumada Al-Bashiir oo taagan isbuucii afaraad ayaa waxaa ku dhintay 24 ruux tan iyo dabayaaqadii sanadkii la soo dhaafay ee December.

Dadka Kassala ayaa ku qeylinayay waxaan dooneynaa cadaalad Xornimo iyo Nabad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here