Madaxweyne Farmaajo oo ballanqaaday in uu wanaajinayo xiriirka Maamul goboleedyada

0
640

Madaxweyne Farmaajo oo ballanqaaday in uu wanaajinayo xiriirka Maamul goboleedyada

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa balanqaaday inuu wanaajin doono xiriirka wada shaqeynta dowladda dhexe iyo dowlad gobaleedyada isagoo ka hadlayay munaasabada caleema saarka Madaxweynaha Koofurgalbeed Soomaaliya Cabdicasiis Laftagareen.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in ay muhiim tahay wadashaqeynta dowladda dhexe iyo Maamul goboleedyada loona baahan yahay in si wadajir ah ay danaha shacabka Soomaaliyeed uga wada shaqeeyaan.

“Waxaan balan qaadayaa in xiriir wanaagsan oo wada-shaqeyneed aan la yeelan doono maamul goboleedyada, wayna ii muuqataa in xiriirka uu soo hagaagayo” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Inkastoo uu ballanqaadkan sameeyay Madaxweyne Farmaajo ayaa hase ahaatee waxaa madasha uu qudbadana ka jeedinayay ku sugnaa Madaxweynaha la caleema saarayay ee Koofurgalbeed iyo Madaxweynaha Hirshabelle oo ka baxay golaha iskaashiga maamul goboleedyada.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle,Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo weliba Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Deni ayaan ka soo qeybgalin madasha caleema saarka Madaxweynaha Koofurgalbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here