Al-Shabaab Oo Soo Bandhigay Sababtii Ay U Weerareen Hotel Ku Yaalla Nairobi

0
705

Al-Shabaab Oo Soo Bandhigay Sababtii Ay U Weerareen Hotel Ku Yaalla Nairobi

War ka soo baxay Xarakadda Alshabaab ayaa waxaa lagu sheegay in Weerarkii ay Talaadadii ku qaadeen Hotelka Dusit D2 ee magaalladda Nairobi uu jawaab u ahaa Go’aankii uu Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ee uu Caasimadda Israel ugu aqoonsadeen magaalladda Quddus-ta La-hayo  ee dhulalka Reer Falastiin.

Labo Qoraal oo ay Alshabaab soo saareen waxay ku sheegteen mas’uuliyadda Weerarkaasi, iyagoo sheegay inuu Hawlgalkaasi jawaab cad u yahay hadalkii Donald Trump iyo Go’aankiisii uu Caasimadda israel ugu aqoonsaday magaalladda Quddus-ta la-haysto ee Reer Falastiin.

si kastaba ha ahaatee, Alshabaab waxay sheegeen inay sii wadi doonaan Hawlgalka ay kaga soo horjeedaan Go’aanka Maraykanka ee ay magaalladda Quddus ugu aqoonsadeen Caasimadda Israel.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here