Raila Odinga oo meesha ka saaray in Muslimiinta lala xiriiriyo falalka Argagixisada

0
676

Raila Odinga oo meesha ka saaray in Muslimiinta lala xiriiriyo falalka Argagixisada

Hogaamiya Mucaaradka dalka Kenya ayaa booqasho ku tagay hotelka Dusit ee ku yaal xaafada Westland ee magaalada Nairobi.

Mr Odinga ayaa si kulul u canbaareeyay weerarka argagixisi waxaana uu ugu baaqay bulshada Kenya in ay gacmaha is qabsato si looga guuleesto argagixisada.

Raila ayaa meesha ka saaray in weerarkaan loo tiiriyo dadka muslimiinta waxaana uu tilmaamay in diinta islaamka ay fareyso buishada in nabad lagu noolaado.

Waxaa uu sheegay in ay Jiraan dad badan oo muslimiin ah gaar ahaan ka soo jeeda qowmiyada soomaalida oo lagu dilay,isaga oo tusaale u soo qaatay wiil ilmo adeer ay ahaayeen xildhibaanka bariga Sunna Junnet Maxamed.

Kooxaha Argagixisada ayuu sheegay in aan la garaneyn waxa ay u dagaalamayaan maadama aysan kala sooceynin muslimiinta iyo dadka aan islaamka aheyn.

Hadalka Raila Odinga ayaa imaanaya kadib tuhuno xoogaan oo qaar ka mid ah dadka kenyaanka ah ay u jeediyeen Muslimiinta ku nool Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here