Cagjar oo sheegay in uusan jirin Colaad toos ah oo u dhaxeysa soomalida iyo Oromada

0
586

Cagjar oo sheegay in uusan jirin Colaad toos ah oo u dhaxeysa soomalida iyo Oromada

Madaxweynaha dowlad degaanka soomaalida ah ee Itoobiya Mustaf Cagjar ayaa waxaa uuka hadlay qilaafka u dhaxeeyaa qowmiyadaha soomaalida iyo Oromada ee ku dhaqan dalka Itoobiya.

Mr Cagjar ayaa waxaa uu sheegay in uusan jirin dagaal toos ah oo u dhaxeeya labada qowmiyadood balse ay Jiraan shaqsiyaad soomaali ah oo siyaasadeynaya weerarada mudooyinkii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Mooyaale iyo degaanada kale.

Cagjar oo warfidiyeenada la hadlay kadib kulan uu magaalada Wajaale kula yeeshay Madaxweynaha maamulka Somaliland ayaa waxaa uu sheegay in waligeed uu jiray dagaal u dhaxeeyay tiro yar oo soomaali ah iyo qowmiyada Oromada Balse aysan labada dhinac ka sinneyn.

Hadalkaan ayaa waxaa uu imaanayaa iyadoo dagaalo xoogan oo sanadkaan dhexmaray labada qowmiyadood kaasi oo ka dhacay xadka u dhaxeeya labada ismaamul ee Itoobiya.

Dagaaladan oo ay ku barakaceen kumanaan ruux ayaa waxaa ku dhintay dad badan oo ka soo jeeda laba dhinac,waxaana magaalada Moyale si toos ah ula wareegay gacan ku heynteeda Milatariga dowlada dhexe ee Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here