Wiil yar oo qalliin khaldan oo lagu sameeyey madhaleys ku noqday!

0
768

Wiil yar oo qalliin khaldan oo lagu sameeyey madhaleys ku noqday!

Qoyska wiilka yar ee qaliinka khaldan xiniinyaha looga sameyey oo laba jir ah waxay sheegeen qalliinka in loo rabay in cillad xiniinyaha lagu saxo balse wiilkooda qalliinka oo si khaldan loo sameeyey uu madhaleys uu ku noqday.

Wiilkan yar cillad haysatay oo qalliinka uu ugu baahday ayaa waxay ahayd labada xiniinyood mid ka mid ah oo halki looga tala galay meel aan ahayn ku jiray wiilka yar oo isbitaalka loo soo gudbiyey toddobadkan gudahiisa.

Ilmaha yar mid ka mid ah xiniinyahiisa wuu caafimaad qabay wax dhib ahna kama qabin.

Wiilka aabbihii ayaa wuxuu leeyahay qalliinka wiilka lagu sameeyey ee la damacsanaa in lagu saxo mid ka mid ah xiniinyahiisa oo meeshi looga tala galay meel aan ahayn ku jiray in halkiisa lagu soo celiyo khalad dhakhaatiirta ka dhacay xilliga ay qalliinka sameeynayeen ayaa sababtay in halki xiniin ee u caafimaad qabay wiilka uu shaqadiisa gabo.

Aabbahan magaciisa la qariyey si ilmaha yar aan loo ogaan waxa uu yahay ayaa wuxuu sheegay inuu wiilkiisa cilladdaasi qabo ay ku ogaadeen baaritaan fudud oo caafimaad ay dhawaan ku sameeyeen.

Waxayna waaliddiinta wiilka intaasi ku darayaan qalliinka wiilka lagu sameeynayey sida ay dhakhaatiirta u sheegeen inuu ahaa mid fudud oo aan khatar badan lahayn wuxuuna ahaa qalliin fudud oo qaadanayey 30 daqiiqo oo keli ah.

Hase yeeshee, wakhti badan ayaan sugnay, laba saac ka badan markaan sugeynay oo aan weli wiilka xaaladdiisa wax war ah ka haynin waxaa noo yimid maamulaha isbitaalka, dhakhtarki ilmaha qalay iyo la taliyaha caafimaadka ee ilmaha yar waxaanna ogaannay iney noo sidaan war naxdin leh.

“Naxdin darteed jilbaha ayaan dhulka dhigtay, waxayna noo sheegeen in qalliinka uu u dhicin sidii la rabay oo aan lagu guuleysanin.”

“Waxayna noo sheegeen inuu wiilka xiniinyahiisu wax dhacaan ah uu soo tuuri karin oo uu ku shaqa gabay khalad dhinaca qalliinka ka dhacay”.

“Runtii waa wax laga naxo wiil aan wax weyn qabin ayey madhaleys ka dhigeen waa arrin murugo inteeda la eg leh” ayuu yiri aabbaha wiilka dhalay.

Isbitaalka Carruurta ee Bristol oo khaladka qalliinka laga sameeyey
Image captionIsbitaalka Carruurta ee Bristol oo khaladka qalliinka laga sameeyey

Hooyada wiilka dhashayna waxay sheegtay “khaladka ay dhakhaatiirtu sameeyeen inuu yahay mid argagax leh, anaguna wey na qalbi jabiyeeen wiilkeygana mustaqbalkiisa ayey ka madoobeeyeen.”

“Waxa aan dareemay erey kuma cabbiro karo oo waa murugo aad u weyn… rajadayadaba waxay noqotay hal bacaad lagu lisay.”

“Afhayeen Isbitalka Bristol u hadlay ayaa wuxuu sheegay dhakhaatiirta marka ay ogaadeen waxa dhacay waxay u yimaaddeen waaliddiinta wiilka wixi dhacayna ay ka raalli geliyeen.”

“Haddana waxaa socda baaritaan arrintan la xiriira natiijada baaritaanka ka soo baxdana waaliddiinta waan la socodsiin doonnaa” ayuu yiri.

Sida ay tilmaameyso warbixinta NHIS 100-kii carruur ahba mid ka mid ah wuxuu la nool yahay xiniinyo aan ku jiin halki looga tala galay.

Qalliinnada noocan ah oo lagu sameeyey carruurta cilladaha noocaasi qaba intooda badan waxay ahaan jireen kuwa lagu guuleysto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here