Tirada Ciidamada Brundi ka jooga Soomaaliya oo la dhimayo iyo Sababta keentay

0
549

Tirada Ciidamada Brundi ka jooga Soomaaliya oo la dhimayo iyo Sababta keentay

Midowga Afrika ayaa ka dalbaday dowladda Burundi inay dhinto illaa 1,000 askari oo qeyb ka ah ciidankeeda ka qeyb qaadanaya howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay Midowga Afrika ayaa looga dalbaday Burundi inay dhinto tirada Ciidamada ka jooga Soomaaliya, waxaana 28-ka bisha February ee soo socota ay bilaabeysa in illaa 1,000 kala baxdo Soomaaliya.

Qorshahan ayaa la sheegay inuu qeyb ka yahay dadaalada la doonayo in Ciidanka Soomaaliya lagu wareejiyo Mas’uuliyadda Amniga, isla markaana Ciidamada AMISOM si tartiib tartiib looga saaro Soomaaliya.

Burundi ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga 5,400 askari oo qeybtooda ugu badan ku sugan Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Midowga Afrika ayaa sheegaya inta aan la gaarin sanadka 2020 uu dhimi doono tirada Ciidamada ka jooga Soomaaliya, si Ciidamada ammaanka Soomaaliya ula wareegaan amniga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here