Qatar oo dabaal dega maalinta qaran ku soo bandhigtay cudud Milatari

0
535

Qatar oo dabaal dega maalinta qaran ku soo bandhigtay cudud Milatari

Qatar ayaa talaadada maanta ah u dabaal dageysa maalinta qaran ee dalkaas xillli ay la kulmeyso cunaqabateyn ay saareen wadamada dariska ah,taasi oo keentay midnimada dadweynaha iyo dowlada.

Sanadkasta 18-ka December waxaa looga dabaal degaa xuska maalintaan oo ku asteysan markii uu xilka qabtay aabaha boqorka haya talada oo lagu magacaabi jiray Jassim bin Mohammed Al Thani kaasi oo dalka u horseeday midnimo sanadkii 1878-dii.


Dabaal dega xuska maalintaa ayaa waxaa ka qeyb galay cutubyo ka tirsan ciidanka qaranka iyadoo la qaaday astaanta calanka waxaana amiirka dalka qadar uu sheegay in ay ay ahaan doonaan kuwo xor ah.


Xuska maalinta qaran ayaa si weyn looga dareemay magaalooyinka dooxa Al Waqra Al Shamaal iyo guud ahaan dalkaas.

Dabaal dega ciidanka milatariga ayaa la sameeyay tiro sadex jeer ah taasi oo ka badan tii sanadkii hore sida uu sheegay taliyaha guud ee ciidanka difaaca Major Saalim Al-axbaabi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here