Cabdi Casiis lafta Gareen oo ku guuleystay Madaxweynaha Koonfur Galbeed

0
888

Cabdi Casiis lafta Gareen oo ku guuleystay Madaxweynaha Koonfur Galbeed

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Somaliya ayaa waxaa ku guuleystay C/casiis Lafta Gareen, kadib markii Guddiga Doorashada Maamulkaasi ay ku dhawaaqeen tirinta codadka Doorashada.

Lafta gareen, ayaa helay codad gaaraya 101 cod, sida xubnaha Guddiga Doorashada ay halkaasi kaga dhawaaqeen.

Doorashada ayaa lagu kala baxay Wareega koowaad, maadaama codadkii ugu badnaa ee Xildhibaanada Koonfur Galbeed ay dhiibteen uu helay Musharaxii ay wadatay dowladda Federalka Somaliya.

Natiijada Doorashada ayaa sidan noqotay.

Cabdicasiis Xasan (lafta_Gareen) Wuxuu helay 101
Dr Ibraahim Macalin Nuuroow wuxuu helay 6
Aadan Maxamed Xasan (Saransoor) wuxuu helay 22
Danjire Sayid Axmed Daahir. Wuxuu helay 4
Xuseen Cusmaan Xuseen (Calool_kuus) wuxuu helay 3

Magaalada Baydhabo, ayaa waxaa ka bilaabatay rasaas loogu dabaaldagaayo guusha Musharaxa Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed C.casiis Laftagareen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here