Ra’iisul Wasaaraha UK oo wajaheysa olole codka kalsoonida loogala laabanayo

0
587

Ra’iisul Wasaaraha UK oo wajaheysa olole codka kalsoonida loogala laabanayo

Ra’iisul Wasaaraha UK Theresa May ayaa wajaheysa olole codka kalsoonida loogala laabanayo oo ku aadan hoggaamiyanimadeeda.

Xubnaha Xisbiga Conservative ayaa u codeyn doona maqribki illaa fiidnimada caawa ee xilliga London.

Mrs May ayaa loolan la kulmeysay oo ku saabsan kursigeeda, iyadoo dhowaan ku fashilantay qorshihii Britain uga bixi lahaa Midowga Yurub iyo wada xaajoodyadii ay waday.

Theresa May ayaa Ra’iisul Wasaare noqotay, markii cod loo qaaday in Britain ka baxdo Midowga Yurub sanadkii 2016.

Waxaa ay wajaheysay dhaleeceyn xisbigeeda oo ku saabsan qorshihii looga bixi lahaa Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaare May ayaa la filayaa inay saacadaha soo socda ka hadasho loolanka ay la kulmeyso iyo codka loo qaado doono.

Lama oga sida ay noqon doonto natiijada, waxaana codka uu noqonayaa mid qarsoodi ah oo sanduuq ah, iyadoo ay u baahan tahay inay hesho aqlabiyad, si ay uga badbaado in codka kalsoonida loogala laabto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here