Faransiiska oo hub ay ku qabatay Xeebaha Somaliya u wareejisay Afrikada Dhexe

0
708

Faransiiska oo hub ay ku qabatay Xeebaha Somaliya u wareejisay Afrikada Dhexe

Dowladda France ayaa 1,400 oo Rasaas ah, Qoryo iyo gaadiid ku wareejisay Dowladda Jamhuuriyadda Afrikada dhexe

Hubka ay dowladda Faransiiska ku wareejisay Afrikada dhexe  ayaa waxaa ay sanadkii 2016-kii ku qabtay xeebaha Soomaaliya.

Saraakiil u hadlay dowladda Faransiiska ayaa sheegay in Hubkaani loo waday Yemen ama Soomaaliya islamarkaana uu xadgudub ku ahaa cunaqabateynta dhinaca hubka ah ee saaran Soomaaliya iyo Yemen.

Dowladda Faransiiska ayaa sheegtay in Hubka iyo Rasaasta ay ku wareejiyeen Jamhuuriyadda dimuqraadiga ah ee Jamhuuriyadda Afrikada dhexe ay tahay haddiyad sida ay hadalka u dhigeen.

Faransiiska waxaa dalka Afrikada dhexe ka jooga 200 Askari,kuwaas oo hadda la shaqeeya howlgalka Qaramada Midoobey ee dalkaas hayeeshee markii hore u tagay si ay dalkaas uga saaraan Kooda Muslimiinta ah ee Saleka oo dagaal kula jirtay Dowladda Afrikada dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here